Qore Cabdiwahaab Daahir Xasan
Haragysa, (Dawan) Dawlada hoose ee dagmada Hargaysa ayaa magaalada hargaysa ku soo bandhigtay wax-qabadkii ay ku talaabsadeen isla markaasina ay ka fuliyeen degmooyinka kala duwan ee Hargaysa, iyadoo hoolka lagu soo bandhigayey wax-qabadka ay ku talaabsatay dawlada hoose ee Hargaysa, ay goobjoog ka ahaayeen Madawayne ku xigeenka Somaliland Mudane Maxamed Cali aw Cabdi, Maayerka dawlada hoose Cabdikariin Axmed Mooge, maayer kuxigeenka, badhasaabka gobolka maroodi-jeex Maxamed Axmed Caalin Tiinbaro, Taliyaha Ciidanka booliska Maxamed Aadan Sanqadh-dabagale, qaar kamid ah golaha wasiirda, masuuliyiin iyo marti sharaf kale.
Xoghayaha Dawlada hoose ee caasimada Hargaysa mudane Siciid Nuur ayaa gabi ahaanba ku soo dhaweyey masuuliyiinii ka soo qaybgashay xaflada soo bandhigida iyo isla xisaabtanka ee waxqabadka sanadihii 2020 ilaa 2024ka isla markaasina laga hirgaliyey sagaalka degmo ee ay ka kooban tahay caasimada Somaliland ee Hargaysa, waxa uu intaasi ku daray xoghayaha dawlada hoose ee hargaysi in mudadii ay hogaanka u hayeen maamul ahaan Hargaysa in ay gaadhay horumar xoogan ku waasi oo iskugu jira dhamaanba adeegyada wax-qabad ee guud ahaan dawlada hoose Hargaysi ku talaabsatay mudadadii ay xilka haysay.
Geesta kale Maayer Cabdikariin Axmed Mooge oo halkaasi ka hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in ay yihiin masuuliyiinta kaliya ee si sanadle ah u soo bandhiga isla mnarkaana bulshada caasimada hargaysa la wadaaga qaabka ay cashuurtii laga qaaday ay umaamuleen iyo waxa loogu qabtay.
“Bandhigani waxa uu daba socdaa sidaanu horeba idinku so bandhigi jirnay wixii dadka loo qabtay, maadama uu carabku iska badnaa wixii inoo qabsoomay sanadkan ayuu dabasocda” maayer mooge.
Mar kale maayer mooge oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi, “Waxa faan noo ah qarankana faan u ha in aanu nahay Xaruntii ugu horeeyey ee saddex sanadood oo isku xiga dadkiisa la wadaagay wixii dakhli soogalay iyo halkii uu ku baxay iyo wixii lagu qabtay”
Maayerka caasiamad hargaysa ayaa dhankiisa ku booriyey masuuliyiinta maayerada ka ah magaaliyinka gobolada dalku in ay kaga daydaan.
Maayerku waxa kale oo hoosta ka xariiqayn in Hanti dhawrka qaranku galay isla markaasina ay baadhis ku sameeyeen si Hsanadle ah oo aanay sanadna ka baaqan xoqta dawlada hoose ee hargaysa oo dhamaystiran ay taal xafiiska Hanti dhawraha Qaranka.
Maayerka casimada hargaysa ayaa sheegay in uu diyaar u yahan la xisaabtanka shacabka ku nool Hargysa in ay la xisaabtamaan isla markaasina ay la kulmi karaan wakhti kasta oo ay suuragal tahay.
“ Waxan ka shaqaynayaa sidii aan shacabka hargaysa u midayn lahaa, taasi ayaa ka wayn kursiga aan ku fadhiyo, kol ay kursigayga ku tahay waan ka shaqaynayaa midnimda hargysa, Geedwalba waan u fadhiisanayaa, dadkayga ayaan rabaa in ay isla kulmaan ila xisaabtamaan, marka ay suurogal tahay ee ugu haboon waan horfadhiisanayaa, dadkaygana waxa lagarabaa in ay si dagan oo ilbaxnimo leh iila xisaabtamaan, hadii wada xisaabtanku inaga galo maqaaxiyaha taasi suurtogal maaha”.