Mucaaridada iyo wax ka-sheega Maamulka Dawliga ahi waa calaamadaha ilbaxnimada iyo dimuquraadiyada, hase ahaatee waxa shardi u ah marka dhinaca togan laga eegayo inay dhaliilshu tahay mid xaqiiq ku dhisan oo ku socota asluub iyo waddo sax ah.
Qodob kale marka laga hadlayo maamul dawladdeed waa madnuuc in qof iyo shakhsiyaad dusha loo saaro tabashada iyo dareenka taban ee laga qabo nidaam ka balaadhan Koox iyo ruux, waxaana taas bedelkeeda ama caksigeeda haboon in wixii la saluugsan yahay loo aanneeyo hay’ad leh hanaan iyo haykal shaqo oo kala sareeya, sida loo durayaana ay tahay sifo iyo sabab waddar-doon ah.
Hase yeeshee arrintan xag-xagashada iyo dhaleecaynta jaha-habowsan oo aad moodo inay tarmayso wakhtigan casriga ah ee ay bulshadu haysato fursada wada xidhiidh ee aan xakamaha lahayn (Baraha bulshada), isla markaana aanay jirin xeerar madani ah oo dadka afkaartooda xaddaynayaa, sababta keenaysa inuu marin-habaabo habka ay shacbigu ula xisaabtamayaan madaxda waxa loo nisbaynayaa arrimo door ah, balse waxa ugu muhiimsan faham guud iyo korsiimo la’aan wacyi-bulsheed iyo in ujeedooyin siyaasaddeed geed-sare waab looga dhigto dhaliil laga waaridayo dareenka bulshada.
Siday doontaba ha ahaatee, marka ay cabashadu tahay mid aan micnaysnayn, waxa ay keentaa in aanay ka dhalan natiijo waxtar u leh dhibaneyaasha, iyadoo abuurta hiirtaayo iyo humaag bixiya sawir khaldan oo kala dhex gala madaxda iyo shacbiga.
Haddaba, iyadoo laga duulayo hogga-tusaalaheena sare xurgufta beryahan dambe ka dhex aloosnayd Duqa Caasimada Hargeysa Md. Cabdikariim Axmed Mooge iyo Golaha Deegaanka iyo bulshada ku dhaqan Degmooyinka magaalada qaar kamida, taasoo aan ahayn khilaaf sidaas u sii ridan, laakiinse abuuray shaki iyo buuq micno darro ah, ayaa waxa muuqda inuu ku dhamaaday madashii ay khamiistii la soo dhaafay dawladda hoose ku soo bandhigtay waxqabadka baxaada leh ee la xidhiidha horumarinta adeegyada ay dawladda hoose qabato.
Waxqabadkaasi oo ahaa mid koobsanaya horumarin, badan, sida kor u qaadida bilicda, caafimaadka iyo dhismaha jidadka, ayaa waxa uu shacbiga reer Hargeysa u muujiyey yihdidiilo weyn. Waxa kale oo uu geesta kale waxqabadkaasi shiiqiyey ama meesha ka saaray dooddii lagu dhaliilayey maayarka iyo Hay’adda uu madaxda u yahay ee Dawladdda hoose, iyadoo arrintaasi aanay ku koobnayn sheegashada oo kaliya, balse indhaheenu ay markhaati ka yihiin magaalada Hargeysa Daan walba waddooyin cusub ee laga dhisay, kuwa la furay iyo qaar la dayac-tirayba.
Sidaas darteed, shacbiga reer Hargeysa waxa looga baahan yahay inay bogaadiyaan Maayarka iyo Golihiisa, isla markaana ay ku garab istaagaan shaqada baaxada leh ee ay u hayaan. Sidoo kale Maayar Cabdikariin iyo Golihiisa waxa aan ku boorinaynaa inay mar walba u dhego-nuglaadaan dareenka shacbiga, kana foojignaadaan in la kala dhex galo oo laysu bahalo geliyo, iyadoo looga faa’idaysanayo danno gaar ah iyo kuwo siyaasaddeed.
Waxa kale oo aan u jeedinaynaa in sida ugu dhakhsaha badan loo bineeyo Jidka saddexaad ee magaalada Hargeysa isku xidha oo dhismihiisa baahi weyn loo qabo. Jidkaasoo ah 150-ka waxa uu halbowle u yahay isu socodka Caasimada, waxaana maqnaanshiyihiisu culays iyo caqabad ku yahay ruuxda magaalada oo dhan.