Qore: Boqore Axmed Cabdi
Hargaysa (Dawan) Xog-hayaha cusub ee loo magacaabay dawladda hoose ee Berbera Maxamed Saleebaan Muuse ayaa ka dareen celiyay xilkaasi loo igmaday, waxaanu sidoo kale u mahad celiyay wasiirka dawladaha hoose iyo horumarinta magaalooyinka Somaliland Xasan Mcalin oo masuuliyadaasi u doortay.
Xog-hayaha dawladda hoose ee Berbera ayaa tilmaamay inuu ka shaqayn doono horumarinta magaalada Berbera iyo sidii ar magaaladu u noqon lahayd mid la jaan-qaada magaalooyinka caalamka.
Geesta kale xog-hayaha cusub ayaa sheegay inuu ka soo bixi doono waajibaadkaasi uu Qaranku u igmaday, waxaanu bulshada Berbera ugu baaqay inay la shaqeeyaan si uu hawlaha loo doortay u guto, waxa uu intaasi ku daray in aanu magaalada ku cusbayn oo uu Berbera wax ku bartay kuna barbaray, taasina ay u fududaynayso inuu waajibkiisa guto waxaanu yidhi
“Waxaan rajaynayaa in shaqadaasi la ii igmaday ee masuulku ii igmaday iyo Qarankuba in aan si fiican u gudan doono ILLAAHAYNA la kaashan doon oo aanan ceeb kaga tagi doonin.
Bulshada Berbera waxaan ka codsanayaa inay si wanaagsan iila shaqeeyaan, filashadaasi wanaagsan ee la I rajaynayana waa ka dhabayn doonaa insha allah.