Jeff Bridges iyo Mel Gibson ayaa ka mid ah dadka caanka ah ee ku guryo beelay dabkii halista ahaa ee ka kacayay deegaanka Los Angeles. Jilaaga caanka ah ee Bridges oo u dhashay dalka Maraykanka oo ku guulaystay abaal marinta Oscar-ka ee Filimkii Wadnaha waalan(Crazy Heart) iyo jilayaashii taxanaha ahaa ee TV-ga The Old Man, ayaa lumiyay gurigii uu ka deganaa Malibu oo isaga iyo walaalihiis ay ka dhaxleen waalidkood.
Xiddigga filimka ee isna ku guulaystay Oscar-ka ee Mel Gibson ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in gurigiisa Malibu uu si buuxda u gubtay xilli uu ka maqnaa duubista podcast-ka Joe Rogan.
Dabbab isdaba joog ah oo dabaylo wata oo ka dhacay California ayaa dilay 11 qof, bulshooyin barakiciyey, iyada oo kumanaan dad ahi ay si waali ah uga carareen hantidooda, oo ay ku jiraan meelaha ay ku badan yihiin guryaha caanka ah.
Kumanaan dhisme ayaa burburay kadib markii lix dab oo kala duwan ay ka kaceen gudaha iyo hareeraha magaalada, oo ay ku badan yihiin guryo ay dagan yihiin xidigaha filimada ee Paris Hilton, Billy Crystal, Adam Brody iyo Milo Ventimiglia ayaa ka mid ah shaqsiyaadka kale ee caanka ah ee ku guryo beelay.
Ventimiglia, oo si weyn loogu yaqaanay doorkiisa filimada Gilmore Girls iyo Heroes, ayaa laga duubay isaga oo ku laabanaya gurigiisii oo gubtay.
“Waxaad bilaabaysaa inaad ka fikirto dhammaan xusuusta qaybaha kala duwan ee guriga iyo wixii kale,” ayuu Ventimiglia ku yidhi CBS Evening News. “Ka dibna waxaad arkaysaa guryaha deriskaaga iyo wax kasta oo hareerahaaga ahaa, oo qalbigaaguna wuu jabayaa.” Ventimiglia iyo xaaskiisa ayaa ka soo tagay gurigooda waxayna daawadeen kamaradaha ammaanka markii uu dabka qabsaday.
Paris Hilton, Dhaxal sugaha hoteelka Hilton ayaa xaqiijisay horaantii todobaadkan inay wayday gurigeeda oo ku yaalay Malibu. Qoraal cusub oo ay soo dhigtay Instagram-ka Jimcihii, Hilton waxay soo galisay muuqaalka wixii ka hadhay gurigeeda. “Runtii qalbi jabku waa mid aan la soo koobi karin,” ayay tidhi. “Waa wax laga xumaado hadallada.
“Tani maaha sheekadayda oo keliya, Dad aad u badan ayaa wax walba waayay” ayey raacisay.
“Haddana, xanuunkan waan ogahay inaan nasiib badan ahay. Kuwa aan jeclaa, dhallaankayga, iyo xayawaankayga rabaayada ahaa waa badbaadeen.”
Hilton waxa uu sidoo kale u mahad celiyay “dab damiska, jawaabayaasha ugu horeeya iyo mutadawiciinta naftooda halis geliyey si ay ula dagaalamaan dabkan”.
Rosie O’Donnell, oo hore ula shaqayn jirtay The View, ayaa sidoo kale wayday gurigeeda Malibu.
“Marka la eego PCH (Waddada Xeebta Baasifigga) ee Malibu – dhammaan guryaha safka hore ee xeebta way gubteen – oo ay ku jiraan kii aan ku noolaa,” ayay ku soo qortay boostada TikTok.
Qaar ka mid ah burburkii ugu xumaa ayaa ka dhacay deegaanka quruxda badan ee Palisades Pacific, halkaas oo dab dabaylo wata ay ka qaraxday dhowr boqol oo hektar ilaa in ka badan 15,000 oo cabbir tan iyo Todobaadkii hore.
Qayb ka mid ah xaafadda, oo ah meel ka mid ah waddooyinka buuraleyda ah ee ka soo horjeeda buuraha Santa Monica oo hoos ugu sii dhacaya xeebaha ku teedsan Badweynta Baasifigga, ayaa laga dhigay dambas.
Jilaaga Billy Crystal ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in isaga iyo xaaskiisa Janice ay “wadnahoodu jabay” gurigoodii Pacific Palisades oo ay ku noolaayeen tan iyo 1979-kii.
Crystal oo xiddig ka ahaa filimkii The When Harry Met Sally star ayaa bayaan uu soo saaray ku yidhi: “Waxaan halkan ku soo korinay carruurtayada iyo carruurtooda.
“Taako kasta oo gurigayaga ah waxaa ka buuxsamay jacayl, xusuus qurux badan oo aan la qaadi karin.
“Dabcan waan niyad jabnay laakiin jacaylka caruurteena iyo saaxiibadayada waan ka gudbi doonaa tan.”