Qore Khadar M. Dhako
Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha cusub ee Gobalka Maroodijeex Axmed Maxamed Cadaad ayaa soo dhaweeyay xilkaas Madaxweynaha Somaliland u magacaabay.
Axmed Maxamed Cadaad ayaa waxa uu sheegay in ay go,an tahay midaynta shacabka ku dhaqan Gobalka Maroodijeex,
Axmed Cadaad oo Arimahaasi ka hadlayayna.Waxa uu yidhi”Waxa aan uga mahadcelinayaa Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro magacaabista in aan noqdo Guddoomiyaha Gobalka Maroodijeex.sharaf ayaanay ii tahay. waxaana ka mid ahaa shaqooyinkii aan soo qabtay waxa aan ahaa qofkii ugu horeeyay ee loo magacaabay hay,ada shaqaalaha ee dhisay,50 sannadood ayaanan macalin ka ahaa Jaamacadaha. waxaana aan ka soo shaqeeyay dib u heshisiintii iyo hub ka dhigistii dalka,markaa shaqooyinkaa aan soo qabtay iyo shaqadan lay igmaday waa is waafaqayaan. nabadii ayaa ugu horaysa iyo in aanu midayno quluubtii dadka wada daga Gobalka Maroodijeex,”.