Qore Cabdiwahaab Daahir Xasan
Hargaysa (Dawan)Wasaarada Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarada Somaliland ayaa soo qaban qaabisay shirka wadatashiga daneeyayaasha Madaarada madaarada, kaaso oo ka furmay hudheelka Ambaasitoor ee magaalada Hargaysa. Waxana kulankan ka soo qaybgalay wasiirka wasaaradda Duulista hawada iyo hurumarinta Madaarada, Wasiirka Wasaaradda Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha, masuuliyiinta shirkadaha duulimaadyada, saraakiil ka socotay Ciidmada Booliska iyo Laanta socdaalka.
Waxa ugu horayn halkaasi ka hadlay isla markaasina faahfaahin ka bixiyey ujeedada kulanka Wasiirka Wasaaradda Duulista hawada iyo horumarinta Madaarada somaliland Fu,aad Axmed Nuux.
“Kulankan aan iskugu nimid waa kulan farsamo” wasiir fu,aad nuux.
Waaxda duulista iyo hawada ayaa sida uu wasiirku wasaaradaasi sheegay waxa ka wada shaqeeya wasaarada duulista hawada oo iyadu gacanta ku haysa waaxda duulista hawada oo gacanta ku haysa shuruucda duulimaadyada hawada, Ciidanka socdaalka kuwaasi oo ka shaqeeya dadka ka gudbaya madaarka hubinta baasaaboorka iyo fiisayaashooda, Maaliyadda oo ay ka hawlgalaan waaxda kastama isla markaasina ka shaqeeya cashuur ururinta iyo dakhliga ka soo xerooda madaarad iyo sidoo kale hayadaha duulimaadyada.
Kulankan oo diirada lagu saarayey caqabadaha ku gadaaman waaxda duulimaayada iyo sidii xal loogu helilahaa wax kaqabashadeeda ayaa wasiirku waxa uu xusay in ay lagama maarmaan noqotay qabashada kulankan si ay uga wadahadlaan hayadaha wadashaqaynta dhaw la leh wasaarada ee dhinaca duulimaadyada iyo madaarada.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in inta kulan kani socda lagaga wadahadli doono cabadaha jira iyo sidii wixii qabsoomay loosii horumarin lahaa.
Geesta kale waxa isna halkaasi ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada iyo Horumarinat dhaqaalaha Mudane Cabdilahi Xasan Aadan ayaa sheeagay in madaaradu yihiin muraayada koowaad ee dalku leeayahay horumarintodanu ay tahay ay tahay lagama maarmaan, sidoo kale waxa uu xusay in ay ka wasaarad ahaa ay marwalba barbar taagan yihiin waasaradda duulista iyo horumarinta madaarada oo ugu horeeyo madaarka caasimada Somaliland ee Cigaal isla markaaasina ku bogaadiyey kulankan ay wasaarada duulista hawado iyo horumarintu ay soo qaban qaabisay.
Waxa kale oo uu intaasi ku daraday in horumarinta madaaradu ay kor u qaadaysa dhaqaalaha dalka sidoo kale waxa uu sheegay in hadii dhaqaalaha dalka la horumariyo ay ka qayb qaadanaysa in la helo daganaanshon amni.
Gabagabadii masuuliyiintii kale eek a socday haayadaha wadashaqaynta la leh waaxda madaarada ee wasaarada duulista hawada iyo horumarinta ayaa dhinacooda xusay in ay sii laban laabayaan adeegyada ay ka qabtaan madaarka isla markaasina dhinacooda ay diyaar u yihiin waxkasta oo ka qayb qaadanaya in madaarada dadka ka soo dagaya ma dadka dalka dibadiisa uga baxaya in ay helaan adeeg hufan isla markaasina dadka soo jiita.