Soo laabashada Trump oo rajo cusub gelisay gooni-goosadka Nigeria

0
24

Iyada oo madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump uu isu diyaarinayo caleemo-saarkiisa labaad oo ku beegan bishan 20-ka January, ayaa Nigeria oo kumanaan Mayl u jirta raja gelisay, waxa ku farxay gooni-goosadka Biafra. Qaar baa u arka in uu yahay xulufo u noqon karo suurtagalnimada halgankooda ay tobannaan sano oo soo dagaallamayeen madax-bannaani ay ka helaan Nigeria,in kasta oo ugu yaraan hal falanqeeye uu qabo in ay hor dhigaan waxa ay filayaan.

Subaxnimadii Noofambar 6, Odinaka Nwankwo, oo ah ciyaartoyga ciyaaraha ka fadhiistay, waxa uu fadhiistay balbalada uu ku leeyahay koonfur-bari ee gobolka Anambra ee dalka Nigeria isaga oo natiijadii doorashada madaxtinimada Maraykanka ka dhegaysanayay raadiyaha. Saacado ka dib ayaa waxaa soo baxay warka sheegaya in musharaxa xisbiga Jamhuuriga ee Donald Trump uu ka guuleystay Kamala Harris oo la tartamayay. Nwankwo, oo taageere u ah dhaqdhaqaaqa gooni-u-goosadka Biafra, ayaa sheegay in farxaddu ay isla markiiba dillaacday.

“Waan ognahay in Trump uu si toos ah ula xidhiidhi karo iyaga oo u sheegi karo – xalliya arrintan Biafra, haddii ay rabaan inay xoroobaan, ha xoroobaan,” Nwankwo ayaa yidhi. “Waxaan u maleynayaa inay taasi tahay sababta Koonfur-bari ay ugu faraxsan tahay soo noqoshadiisa. ma aha in uu siinayo waxay doonayaan Biafra, laakiin ugu yaraan isaga ayaa ka hadlaya arrimaha sababta wuu yaqaan sida loo ciyaaro.”

Trump ayaa ku guuleystey kuliyada doorashada iyo codadka dadweynaha labadaba si uu u noqdo madaxweynihii 47-aad ee la doorto ee Maraykanka.

Bulshooyinka gooni-goosadka Biafra ayaa hadda rajo ka muujinaya in madaxweyne Trump oo xilka billaabi doona 20-ka January ay u noqon karto rajo dhaqdhaqaaqooda.

Ifeanyi Okoroafor waa qof degan Gobolka Imo ee koonfur bari Nigeria.

Okoroafor waxa uu yidhi “In nala takooro mana dhammaan doonto ilaa ay go’do Biafra,” ayuu yidhi Okoroafor. “Adduunku wuxuu ka hadlayaa Imaatinka Trump, sababta oo ah Amerika waa xoog yeedhin karaa wax ka dhacaya meel kale oo dunida ah”. “ Lama oga sida ay u fududahay, laakiin Trump waa Jamhuuriga, qaabka ay wax u wadaanna waa waxa ay dadku arkayaan inta badan.” Ayuu raaciyey.

Dhaqdhaqaaqa Biafra ayaa muddo tobanaan sano ah raadinayey madax-bannaanidii Nigeria. Isku daygii goosashada ee 1967 ayaa horseeday dagaal sokeeye oo ba’an oo socday saddex sano waxaana ku dhintay in ka badan 1 milyan oo qof, oo badanka u dhintay gaajo.

Dadka dhaleeceeya ayaa sheegaya in marka ay timaado Trump, dadka u ololeeya Biafra laga yaabo inay aad u rajo weyn yihiin.

Ahmed Buhaari, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo Nigeria, ayaa sheegay in aanay caddayn sababta Trump uu u danaynayo arrintan.

“Trump waxa uu si cad isu qeexay in uu yahay madaxweynaha Maraykanka ka hormariya, marka si uu u taageero hawl kasta, waa in ay caddaato sida ay uga faa’iidaysanayso dadka Maraykanka,” Buhari wuxuu qabaa in aanay qeexnayn, danta Trump ugu jirta wadahadal uu la yeesho dadka Biafra.”

Laakiin taageeraha Biafra ahna qareenka xuquuqul insaanka Amiir Mandela ayaa rajaynaya in Trump uu cadaadis saaro mas’uuliyiinta Nigeria si uu wax uga qabto walaaca Biafra, oo ay ku jirto sii deynta hoggaamiyaha dhaqdhaqaaqa Biafra Nnamdi Kanu, kaas oo ay mas’uuliyiintu u qabteen ka soo horjeeda amarro maxkamadeed oo lagu siiyay dammaanad.

“Donald Trump waa qof ka soo horjeeda ku xadgudubka xuquuqda aasaasiga ah ee aadanaha,” ayuu yidhi Mandela.

Intii lagu guda jiray xilligii ​​ horre ee Trump wuxuu wax ka weydiiyay madaxweynihii Nigeria Muhammadu Buhari rabshadaha ka dhanka ah Masiixiyiinta Nigeria – arrin Biafra ah ayaa inta badan u qeexa inay muhiim u tahay halgankooda.

Marka laga soo tago, Trump wuxuu u muuqday mid aan fiiro gaar ah siin Nigeria ama Afrika oo dhan. Gooni-goosadka Biafra ayaa rajaynaya in markan ay arrintoodu noqoto mid ka mid ah ajandaha Trump.