Qore Khadar M .Xaashi
Hargeysa (Dawan) Madax-dhaqameedka beelaha Dir ee magaalada Hargeysa, ayaa ka hadlay taariikhdii iyo waxqabadkii ALLE haw naxariiste Suldaan Haaruun Sheekh Muxumed Cismaan, waxaaney ALLE uga baryeen inuu naxariisti jano ka waraabiyo, bulshada Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo Iimaan ka siiyo.
Waxa kale oo ay ka hadleen doorkii shariifka ahaa ee uu ka qaadan jiray nabadeynta iyo isu soo dhaweynta beelaha iyo xalinta khilaafaadyada, waxaaney ku sifeeyeen in uu ahaa suldaan samata-lisa, helu-cibaado ah, oo nabad jecel bulshadan isu soo dhaweeya.
Madax-dhaqameedkan iyo odayaashan tacsida u direy qoyskii Marxuum Haarun, ayaa kala ahaa, Ugaas Xuseen Cismaan, Suldaan Ibraahim Yuusuf Cabdiraxmaan, Caaqil Abiib Xasan Libaax, Ugaas Cabdi Xasan Maxamed, Oday Maxamed Cabdillaahi, Oday Mowliid Maxamed Xasan iyo Abaadir Cabdi Maxamed.
Suldaan Ibraahim Yuusuf Cabdiraxmaan ayaa sheegay in maalintii u danbeysay ka hor intaanu dhiman ay wada joogeen, waxaanu ALLE uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo.
Waxaanu yidhi.“Alle haw naxariiste xaqi ayaa u yimid isaga oo safar ku jira, adoonka Alle danbigiisa ha dhaafo, waxaan Alle uga baryaya inuu ka dhigo marti la jecel yahay, intii aanu kuwada jirnay hawlaha madax-dhaqameedka nin fiican oo hawlkara ayuu ahaa, ehelu-diina oo ehelu-cibaado ah”
Caaqil Abiib Xasan Libaax “Muddo badan ayaanu soowada nooleyn, in la isbartana waanu is ag-joogney, nin runtana sheega ayuu ahaa, wuxu ahaa nin bashaasha, sadaqada iyo wax bixintana aad ayuu ugu fiicnaa, ILLAAHEY qabriga haw nuuro”
Ugaas Ugaas Xuseen Cismaan Xasan Cige, ayaa marxuunka ku sifeeyay nin Alle ka cabsi badan, shaqada madax-dhaqameedka iyo ugarnaqa bulshadana xil weyn iska saara.
Waxaanu yidhi. “Nin shaqadiisa ka adag ayuu ahaa, in ILLAAHEY booskiisa noo buuxiyana ALLE ayaanu ka baryayna, Ramadaantii ayaanu mar isu nimid, markaasi ayaan ku idhi haddii aan Jis dhammeeyo waan dadaalay, isna wuxu yidhi saddex jeer ayaan dhameeya, marka nin cibaado badan ayuu ahaa,”