Madaxweynaha JSL waxa uu magacaabay agaasimayaal guud, la taliye iyo safiir
Hargaysa (Dawan) Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somailand Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa soo saaray wareegto madaxwayne oo uu xilal ugu magacaabay masuuliyiin cusub oo kala duwan. Xilalka uu madaxweynuhu u magacaabay masuuliyiintan cusub ayaa isugu jira Agaasimayaal guud, Safiir iyo gudoomiye Hay’adaha madaxa bannaan ee dawladda.
Madaxwaynaha ayaa wareegtadan uu xilalka ugu magacaaay hormada masuuliyiintan, waxa uu ku magacaabay toban Agaasime guud, Wakiilka Somaliland ee Taiwan iyo sidoo kale la taliyaha madaxwaynaha ee arrimaha dibadda. Masuuliyiintaas oo madaxwaynuhu cugtay markii uu ku qancay kartidooda iyo waaya’aragnimadood.
Wareegtada uu madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku magacaabay masuuliyiinta oo nuqul ka mid ah uu soo gaadhay Wargeyska dawladda ee Dawan ayaa dhignaa sidan:-
“Wareegto Madaxweyne
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 14/01/2025 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-030 /012025 uu ku magacaabay masuuliyiin cusub.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markii aan arkay: Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markii aan arkay: Aqoontooda, kartidooda, iyo waayo-aragnimadooda;
Markii aan tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ay u leeyihiin u adeegidda dadweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo dhismaha Qaranka;
Markii aan ku qancay: In ay hanan karaan mas’uuliyadaha ka dhalanaya xilalkan hoos ku xusan;
Markii aan sameeyey: La-tashi;
Waxa aan go’aamiyey;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo mas’uuliyiinta hoos ku xusan:
1. Eng Axmed Muxummad Cabdi Cige, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ee Jamhuuriyadda Somaliland.
2. Axmed Carab Muuse Bulaale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.
3. Cabdi Cali Maxamed (Mahdi), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Jamhuuriyadda Somaliland.
4. Cabdifataax Ismaaciil Ducaale Jaamac, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumainta Maalgashiga iyo Wershadaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.
5. Khadar Nuur Cabdi Buubaal, Agaasimaha Guud Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka ee Jamhuuriyadda Somaliland.
6. Cabdillaahi Maxamed Maxamuud (Jiidhe), Agaasimaha Guud Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada ee Jamhuuriyadda Somaliland.
7. Maxamed Cabdi Xaashi Cabsiiye, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda ee Jamhuuriyadda Somaliland.
8. Cabdirashiid Cabdi Jaamac Buux, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista, Hawada iyo Horumarinta Madaaradda ee Jamhuuriyadda Somaliland.
9. Shucayb Cismaan Maxamuud Maxamed. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ee Jamhuuriyadda Somaliland.
10. Maxamuud Cabdirisaaq Cabdi Maxamed, Agaasimahaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Difaaca ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Wareegto Madaxweyne
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 14/01/2025 uu wareegto Madaxweyne ku magacaabay Wakiilka (UAE), La-taliyaha Madaxweynaha iyo Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markii aan arkay: Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markii aan arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waayo-aragnimadiisaba;
Markii aan ku qancay: In uu hanan karo mas’uuliyadda ka dhalanaysa xilkan;
Markii aan sameeyey: La-tashi;
Waxa aan go’aamiyey;
1. In Mascuud Cabdi Cali Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE).
2. In Dr Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Wareegto. Magacaabida Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Markii aan arkay: Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markii aan tixgeliyey: Ahmiyadda Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranku u leeyihiin Horumarinta iyo kobcinta dhaqaalaha dalka;
Markii aan arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waayo-aragnimadiisaba, isla markaana in uu hanan karo mas’uuliyadda ka dhalanaysa xilkan;
Markii aan sameeyey: La-tashi;
Waxa aan go’aamiyey;
In Maxamed Sidiiq Cabdillaahi Dhamme, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.”