Ku dhowaad $53m (£43m) oo lagu eedeeyay in ay lunsadeen wasiirkii hore ee saliidda ee Nigeria Diezani Alison-Madueke iyo madax kale ayaa loo isticmaali doonaa in lagu maalgeliyo adeegyada bulshada, sidaana waxa sheegtay wasaaradda cadaaladda ee dalka Nigeria.
Lacagtan oo laga soo celiyey Maraykanka, ayaa muddo maamulka Nigeria andacoonayeen in la soo celiyo. Alison-Madueke oo hoggaamisa shirkadda shidaalka ee dawladda Nigeria iyada oo bixisa qandaraasyo ay ku beddesho laaluush iyo dad kale ayaa la sheegay in ay ka hodmayeen lacagtaa.
Maraykanka ayaa sheegay in lacagtaas loo isticmaalayey in lagu soo iibiyo doon weyn oo kuwa raaxda ah oo 65-mitir ah oo lagu magacaabo Galactica Star iyo guryo badan oo kuwa raaxda ah oo ku yaalla California iyo New York. Alison-Madueke, oo 64 jir ah, ayaa had iyo jeer diidday dhammaan eedeymaha loo soo jeediyay ee ah in ay gashay khalad.
Faa’iidooyinkeeda ay sida xun u heshay ayaa sidoo kale baadhitaan lagu hayaa gudaha UK, halkaas oo laba sano ka hor lagu soo oogay dambiyo laaluush ah oo ay ku jiraan hadiyado alaab qaali ah oo Louis Vuitton ah, bixinta lacago iskuullada gaarka loo leeyahay iyo ugu yaraan $127,000 oo caddaan ah ama kaash ah.
Waxay ahayd qof muhiim ah oo ka tirsan maamulka madaxweynihii hore Goodluck Jonathan, waxay sidoo kale noqotay haweeneydii ugu horreysay ee madax ka ah kooxda dhoofisa saliidda ee OPEC.
Wakhtigeedii wasiirka khayraadka batroolka Nigeria waxa uu soo bilaabmay 2010 waxaana uu dhamaaday 2015. Waxa ay hore u soo noqotay wasiirka gaadiidka, iyo wasiirka macdanta adag iyo horumarinta birta.
Waaxda cadaaladda ee Maraykanka ayaa ku dhawaaqday 2023-kii go’aankii ugu dambeeyay ee laba kiis oo madani ah oo ku saabsan hanti la lunsaday oo la sheegay in loo soo tahriibiyey gudaha Maraykanka oo la xidhiidhay Alison-Madueke iyo saaxiibadeeda. Jimcihii, Maraykanka iyo Nigeria waxay xaqiijiyeen in lacag dhan $52.88m dib loogu celin doono waddanka Galbeedka Afrika.
Tani waxay noqonaysaa dib u celintii ugu horaysay ee Nigeria hantida ka baxsan wadanka galbeedka Afrika ee lala xidhiidhinayo Alison-Madueke, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Reuters.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ahna Wasiirka Cadaaladda, Lateef Fagbemi oo ka hadlayay xafladda saxeexa rasmiga ah ee ka dhacday caasimadda Nigeria ee Abuja, ayaa sheegay in soo celinta lacagahaasi ay ka dhigan tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dadaallada socda ee lagula dagaallamayo musuqmaasuqa.
Lacagta gacanta loo soo gelin maayo Nigeria laakiin waxa la soo marsiin doonto Bangiga Adduunka
Dhanka kale Safiirka Maraykanka ee Nigeria, Richard Mills, ayaa carabka ku adkeeyay baahida loo qabo isla xisaabtanka iyo sidoo kale in si taxadar leh loola socdo lacagaha la soo celiyay.
“Wasaarada cadaalada waa inay damaanad qaadaa in lacagahan loo isticmaalo si hufan oo wax ku ool ah si loo horumariyo nolosha dadka Nigeria,” ayuu yidhi.
Bishii Nofembar 2022, dawladda Maraykanku waxay dib ugu celisay Nigeria, $20.6m oo hanti ah oo la sheegay inuu xaday hoggaamiyihii hore ee millatariga Nigeria Gen Sani Abacha.
Shan sano ka hor, Washington ayaa $311.8m ku wareejisay dowladda Nigeria, taas oo qeyb ka ahayd heshiis hore oo lagu soo celinayo hantidii ka dambeysay taliskii Abacha.
Hase ahaatee waxaas oo lacag ah waxa la soo celiyey muddo dheer ka dib waxaana cadaan ah in lacagahaasi shaqeeyeen faa’iido badan oo ribo ah.