Qore Cabdiwahaab Daahir Xasan
Hargaysa (Dawan) Ururka dawladaha hoose ee ALGASAL ayaa kulan u qabtay gudoomiyeyaasha degmooyinka caasimada Hargaysa iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Dawlada hoose ee Hargaysa, kaasi oo ku saabsanaa maaraynta khataraha.
Kulankan ayaa waxa ka soo qaybgalay gudoomiyaha ururka dawladaha hoose ee ALGASAL ahna maayerka dawlada hoose ee dagmada Hargaysa mudane Cabdikariim Axmed Mooge Agaasimaha dawladaha hoose ee ururka ALGASAL.
Agaasimaha ururka dawladaha hoose ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan ALGASAL Khaalid Cabdi Xirsi ayaa ka warbixiyey ujeedada kulankan oo ku saabsanaa maaraynta khataraha ee magaalada Hargeysa, isla markaasina sheegay in kulankani soo socday muddo laba todobaad ah sidoo kalena ay diyaariyeen warbixta maaraynta khataraha Hargeysa.
“Magaalo walba oo dunida ka jirtaa waxay leedahay khatro hanoqoto Dab ama daadad ama kuwo la xidhiidha dhinaca caafimaadka, arimahaasi oo dhami waxay u baahan yihiin, in xogtooda la ururiyo” Agaasimaha ururka dawladaha hoose.
Agaasimaha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa kale oo yidhi. “Ururka Dawladaha hoose ee ALGASAL, Xafiiska dawladaha hoose ee waaxda maamulka shaqalaha iyo waaxda qorshayta ee dawlada hoose ayaa mudo waxay ka shaqaynayeen in ay ururiyaan xogtaas si loo qorsheeyo kadibna lagaliyo Maabka si loo ogaado khatar waliba meesha ay ka soo baxayso”.
Agaasime khaalid Cabdi Xirsi ayaa sidoo kale sheegay hawsha maaraynta khataraha oo in muda soo soctay ay soo dhamaatay ujeedada kulankan ay u qabteena ay tahay in ay lawadagaan gudoomiyayaasha degmooyinka caasimada hargaysa ee kulanka ka soo qaybgalay si ay u arkaan dagmo walba kharaha ka jira iyo xogta taala isla markaasina ay tahay xog ay ku shaqayndoonaan shaqalaha dawlada hoose ee Hargaysa.
Geesta kale Maayer Cabdikariim Axmed Mooge oo kulankan ka hadlay ayaa karbixiyey muhiimada uu kalankani leeyahay iyo ujeedada guud ee kulanka oo daaranayd maaraynta khataraha iyo sidoo kale qaabka looga hortagi karo.
“Inaga ka dawlad hoose ahaan kulankani ahmiyadwayn ayuu inoo leeyahay, in la ogaado meelaha caasimada hargaysa ay khataruhu ka iman karaan waa inoo muhiim si aynu uga sii diyaar garowno ama uga gaashaamano degmo walbana waa in maabku yaalo” maayer Mooge ayaa sidaasi yidhi.
Maayerka oo hadalkiisa siiwata ayaa sheegay in arintani qaybka qaadnayso shaqo wanaaga dawlada hoose ee caasimada hargaysa, waxa uu intaasi ku daray in nidaamkan maaraynta khataraha ay tahay wax loo baahnaa sidoo kalana la sii saadaalin karayo meelaha ay khataruhu ka imaan karaan.
“Dadaal badan baynu marka horeba bixinaynay balse tani waxay inoo sii sahlaysaa in aynu marka hore ba sii ogaano meelaha ay khataruhu inagaga imaan karaan” Cabdikariim Axmed Mooge.