Wafti uu Hoggaaminayo Wasiirka Jidadka oo Kormeeray Wadada Hargeysa iyo Oodweyne

0
25

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland, Mudane Cismaan Af-gaab Nuur, maareeyaha wakaalada horumarinta waddooyinka Mudane Mowliid Nuux Ibraahim iyo guddoomiyaha baanka dhexe ee JSL, ayaa kormeer ku tagey dhismaha jidka isku xidha Diin-qal iyo Bandar-wanaag, wadadan oo qayb ka ah jidka dheer ee isku xidha magaalooyinka Hargeysa, Oodweyne iyo Burco, kaasi oo hadda qorshihiisu socdo.

Cabdillaahi Caare Ismaaciil, oo ka mid ah odayaasha degaanka jidkani dhexmarayo ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan wax kasta oo looga baahdo.

Waxaanu yidhi.“Somaliland meel ay joogaanba ahmiyada kowaad waxa noqonaya waddooyinka, waan soo dhaweynaya wasiirka iyo weftigiisa, diyaarna waanu u nahay wax kasta oo looga baahdo degaankan”

Guddoomiyaha baanka dhexe ee JSL, Mudane Cali Cabdillaahi Daahir, ayaa wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka iyo hay’adda waddooyinka uga mahadceliyay sii ambaqaadista jidkani.

Waxaanu yidhi “Jidkan waxa aynu odhankarna waa Coriderka saddexaad, marka ta Berbera ilaa Wajaale, Borama iyo Lowya-cado, Burco ilaa Hargeysa, Burco ilaa Ceerigaabo, afarta waddo ayaa Qaranka halbowle u ah, waana mid ka mid ka mid ah waana jidka wali qaybyada inoo ah dhismaheedu, ka degaan ahaan waan uga mahadcelinayna wasaaradda iyo hay’addaba,”

Maareeyaha horumarinta waddooyinka Somaliland Eng Mowliid Nuux Ibraahim, ayaa sheegay inay kaal muuqata ka qaateen dhismaha jidkani, waxaanu bulshada degaanka uga mahadceliyay doorkii shariifka ahaa ee ay ku lahaayeen hirgelinta wadadan.

Waxaanu yidhi. “Jidkan isku xidhaya Diin-qal iyo Bandar-wanaag xukuumaddu iyada ayaa bilowdey, waxaanu dhismaheedu isku xidhaya Mashruuca ka soo bilaabmaya Berbera ilaa Hargeysa, iyo Hargeysa, Burco ilaa Oodweyne tagi doona haddii ILLAAHEY yidhaahdo, shaqadan gacan weyn ayay wakaaladu ka geysatay, waxaanu uga mahadcelinayna degaanka.

Mashruuca baanka horumarinta Afriki inala wadana qayb ayuu ka yahay, hala gacan qaybto dhismaha jidkani si uu u noqdo mid guuleysta”

Gaba-gabadii Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland, Mudane Cismaan Af-gaab Nuur, ayaa sheegay in dhismaha jidka Hargeysa, Burco iyo Oodweyne uu ka mid yahay 20 waddo oo xukuumadda qorshaha ugu jira dhismahooda inay dhammeystiro.

Waxaanu yidhi.“Waxaanu u mahadcelineyna degaanka oo hawsha halkan ka socota oo wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka iska kaashanayaan dadaalka ay kuwadaan ayaan uga mahadcelinaynaa, wax waliba waxa ay midha dhal inoogu noqonayaan iskaashiga noocaas ah.

Dhismaha 20 jid in badan ayaa na sugaya kana mid ah qorsheyaasha xukuumadda, mashruucan aynu hadda joognaana qayb ayuu ka yahay ILLAAHEY ayaynu weydiisaneyna inuu inoo fududeeyo, mashruucana waxa uu ka mid yahay ka Berbera Coridore iyo Oodweyne, Buundadii isku xidheysay ayuu noqonaya, qorshaheenu waxa uu yahay inaynu waddooyin badan helo, waxaanu rajeynayna mashruucan Oodweyne in daraasadiisu ay dhammaato”