Qore: Cabdiwahaab Daahir Xasan
Hargaysa (Dawan) Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Amniga Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdale Maxamed Carab Cardale Sandheere ayaa shalay xilkii u Kala Wareejiyey Gudoomiyihii iyo Ku-xigeenkii Hore Ee Gobolka Maroodi-jeex iyo Gudoomiyaha Cusub Iyo Ku-xigeenkiisa.
Xafladda Xil-Wareejinta Ayaa waxa ka soo Qayb wasiirka Hawlaha Guud, Wasiir Kuxigeenka dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Maayirka Caasimada Hargeysa, Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose, iyo Madaxda dhaqanka Ee Gobolka Maroodi-jeex.
Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga oo halkaasi ka hadlay ayaa ku tilmaamay dooshooyinkii sanadkii tagay dalka ka dhacay In ay ahaayeen kuwo meeqaamkoodu aad u sareeyo isla markaana baasha caalamka soo jiidatay.
Waxa kale oo uu sheegay in xilwareejinta ay labada gudoomiye ay xilka kula kala wareegayaan gobolka maroodi-jeex iyo dhamaan Somaliland uga dhigan tahay guul wayn.
“Doorashooyin baynu soo galanay xanaf badan bay lahayd, tii ugu adkayd bay ahayd Waxa muhiim ah in aynu is dhawrano” wasiirka arimaha gudaha iyo amniga.
Wasiirku isagoo hadalkiisa sii wata ayaa uga mahadceliyey madaxwaynihii hore ee Somaliland muuse biixi cabdi isagoo ku sifeeyey in xukuumadiisii in ay dalka doorasha heer sare ah ka qabteen isla markaasina markii dorashadii lagaga guulaystay kursiga madaxtooyada in uu si milgo leh u wareejiyey.
Geesta kale wasiirk Cabdale Sandheere ayaa hoosta ka xariqay in ay ka xukuumad ahaan ka shaqayn nabadgalyada iyo walaalaynta dadka reer somalland. “Waxan ka shaqayndoonaa annoo fulinaaya siyaasada madaxwaynaha in aanu walaalayno dadka reer Somaliland”
waxa kale oo uu wasiirku ku booriyey Gudoomiyaha iyo ku xigeenka madaxwaynaha somaliland u soo magacaabay gobolka maroodi-jeex ee xilka la wareegay in ay is dhagaystaan wasaarada arimaha gudahana si wacan ula shaqeeyaan isla markaasina wasiirku wuxu dhankiisa balanqaaday in uu la shaqayn doono kulamadana ay joogtayn doonaan.
Maxamed Axmed Caalin Tiimbaro gudoomiihii hore ee gobolka maroodi-jeex oo munaasibada xilwareejinta ka hadlay ayaa soo dhaweeyey gudoomiyha xilka kala wareeyey isla markaasina u balan qaaday in uu la shaqayn doono waxa kasta oo waayo aragnimo ah oo ay ugu baahdaana diyaar u yahay in uu kala shaqaynayo.
Gabagabadii Gudoomiyaha cusub ee madaxwaynaha somaliland u soo magacaabay gobolka maroodi-jeex Axmed Maxamed Cadaad ayaa dhamaan shacabka reer somaliland iyo masuuliyiintii xaflada xilwareejinta ka soo qaybgashay ka codsayday in ay ugu doceeyaan xilkaasi loo igmaday waxana uu halkaasi ka sheegay in wixii gudoomiyihii hore u qabsoomay uu halkaa ka sii wadi doonon wixi kadhimana uu dhamaystiridoono isla markasina uu ku shaqayn doono amniga gobolka maroodi-jeex iyo danaha shacabka gobolka loo igmaday iyo ta guud ee qaranka isla markaasina fulindono siyaasada maaxwaynaha, intaasi ka dib waxa xilkii u kala warejiyey labada masuul wasiirka wasaarada arimaha gudaha iyo amniga somaliland Cabdale Sandheere.