Qore: Boqore Axmed Cabdi
Hargaysa (Dawan) Gudoomiyaha golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ku taliyay in aan la soo hadal qaadin arrimaha Soomaaliya gaar ahaan in aan dooda lagu soo darin ka hadlida Xasan Sheekh Maxamuud, waxaanu tilmaamay in uu isgu u baahan yahat Ictiraaf balse aanu waxba haynin.
Gudoomiyaha guurtida ayaa sidoo kale ugu baaqay Xildhibaanada golaha inay dooda ka saaraan soo hadal qaadka madaxwaynaha Soomaaliya si aanu fursad ugu helin in la hadal hayo.
Waxaanu yidhi. “Doodaha golaheena ee khuseeya arrimaha Ictiraafka, had iyo jeer waxay daba socdaan Xasan Sheekh Maxamuud oo aan isagiiba waxba haynin, Somaliland waa iga mid uun buu doonayaa inay hawadaa ugu jirto oo Soomaaliya ayay ka mid tahay.
Markaynu inagii ka doodno wuxu helay meel u uku fidsado, ninkaa waxay ila tahay yaynaa la murmin, yaynaa la doodin dhawaaqiisa isaga ayay jirtaa, adduunkii wuu soo jeestay wuu inala macaamilaa Ictiraafkana wuu daba galayaa in aynu innagu shaqayno oo waliba adduunka aynu ka faa’iidaysano ayaa loo baahan yahay.
Markaa yaynaa siinin fursad uu daba ina soo qabsado, Xasan Sheekh isagiibaa Ictiraaf u baahane yaynaa siinin isaga taasi aynu sidaasi u aragfno”.