Qarnigii 19 aad cilmiga caafimaadku aad u koobnaa waxaanaย badnaa khurafaadka iyo in xanuunada laga aaminsana inay jiman iyo shayaadiin keenaan. Yurub goobo caafimaad oo kala duwan ayay iska furan jireen dad ku shaqaysanaya oo aqoon caafimaad lahayn, Waxa kale oo jiray shirkado samaynayay dawooyin ay sheegeen inay caafimaadka wax ka taraan. Waxaan ka mid ah daawooyin la siin jiray caruurta huradadu ku yaraato.
Dawooyinkaasi suuq weyn ayay heleen sebenkaasi. Waxaana la ogaaday wakhti danbe inay ka kooban yihiin daroogada Morphine iyo maandooriye kale.ย Iyagoo sababay inay burburiyaan unugyada maskaxda ee caruurta.
Waxa kale oo wakhtigaasi jiray in bukaanada uu ku dhaco xanuunka macaanku lagu dawayn jiray goobo cilaajyo ah kuwaasi oo siin jiray jimcsiyo kala dawan oo adag isla markaana fari jiray inay fadhiistaan cadceeda mudoo dheer.ย Arintan ayaa iyana keentay in bukaano badani ay u dhintaan dawaynta aan cilmiga ku dhisnayn.