Kulan todobaadkan dhex-maray Madaxwaynaha Maraykanka iyo Xildhibaan Risch Assumes ayaa la sheegay in ay kaga wada hadleen taageerada madax-bannaanida Somaliland
Hargeysa (Dawan)- Wargeyska Politico oo si weyn uga faallooda arrimaha amniga qaranka Mareykanka ayaa sheegay in Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump uu dublamaasi Mr. John Peter Pham u magacaabayo ergayga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Afrika, wuxuuna la wareegi doonaa faylka Suudaan ee maamulka cusub ee madaxweyne Donald Trump.
Diblumaasi Mr. John Peter Pham ayaa si weyn ula dhacsan dawladnimada dimuquraadiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kalena ah saaxiib si dhow uga shaqeeya qaddiyada ictiraaf raadinta Somaliland, isaga oo inta badan u ololayn jirayq madax-banaanidaSomaliland.
Warbixin lagu daabacay Wargeyska SudanHorizon, Politico ayaa lagu sheegay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ergayga gaarka ah ee arrimaha Afrika u magacaabayo Pham, iyada oo soo xiganaysa waxa ay ku tilmaantay “saddex ilood oo ammaanka Maraykanka ah” oo ka tirsan maamulka Trump, xogtaasi oo iftiimisay in wakiilka Trump ee Afrika uu noqon doono khabiirka ruug-caddaga ah ee Jamhuuriga u qaabilsan arrimaha Afrika, “John Peter Pham,” oo noqon doona sarkaalka ugu darajada sarreeya. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka oo kormeeraysa arrimaha Maraykanka iyo Afrika.
Majaladda, oo ku takhasustay arrimaha amniga, ayaa intaa raacisay in sida laga soo xigtay saddex ilood oo xog ogaal u ah feylka, aan loo fasixin inay ka hadlaan arrimaha kala guurka ee Mr Pham oo hore u ahaa ergeyga gaarka ah ee Saaxil iyo Harooyinka Waaweyn.
Wargeyska Politico ayaa intaa ku dartay in haddii la xaqiijiyo, Pham loo xilsaari doono inuu wax ka qabto qaar ka mid ah arrimaha ugu daran ee amniga qaranka Mareykanka ee ajendaha maamulka soo socda, oo ay ku jiraan khatarta joogtada ah ee ISIS iyo kooxaha kale ee argagixisada ah ee Afrika, halista Shiinaha Africa ee sii kordhaysa, saamaynta juquraafiyeed ee qaaradda oo dhan, iyo dagaalka sokeeye ee lagu hoobtay ee Suudaan.”
J Perter Pham ayaa la filayaa in Madaxwaynaha cusub ee dalka Maraykanka Donald Trump uu u magacaabo Xog-hayihiisa Afrika, Dr. J Preter Pham waa Diblomaasi rug caddaa ah oo inta aad uga soo shaqeeyay dalalka Afrika, waxaanu marar dhawr ah soo booqday Somaliland isaga oo la kulmay Madaxwaynayaasha Somaliland ee kala ah AHU Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Muuse Biixi Cabdi iyo madaxwaynaha hadda jooga Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro wakhtigii uu murshaxa ahaa.
Dalka Maraykanka oo mudooyinkii u dambeeyay ay ka dhex aloosnayd dabaysha taageerada Qadiyada Ictiraafka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa magacaabista masuulkani waxa ay noqonaysaa mid soo dhawaysa in uu Maraykanku ku dhawaaqo Aqoonsiga Somaliland ee ay guddida arrimaha dibada Baarlamaanka dalkaasi hor gaynayaan golahooda.
Todobaad kii hore ayay ahayd markii uu madaxwaynaha Maraykanku la kulmay gudoomiyaha guddida arrimaha dibada ee Baarlamaanka dalkaasi Risch, kaasi oo ay wararku sheegayaan in kulankaasi ay ku lagu lafa-gureen arrimaha Qadiyada madax banaanida Somaliland ee uu masuulkani dedaalka badan ku bixiyay sidii uu Baarlamaankiisu u ansixin lahaa Mooshinka ay ka shaqeeyeen.
Dr. J.Peter Pham ayaa ah Siyaasi si dhaw ula socday arrimaha Diblomaasiyadda Somaliland, waxaanu xiligii lagu jiray doorashooyinka Somaliland uu qormooyin kala duwan ka qoray hannaanka dimuquraadiga ah ee ka hano-qaaday Somalialnd iyo qori isku dhiibka talada dalka iyo sida ay tahay inay dalalka kale ee Afrika ugu daydaan, sidoo kale J.Peter Pham ayaa bulshada caalamka u soo bandhigay in ay Somaliland u qalanto in la Aqoonsado, isaga oo yididiilo iyo rajo wanaagsan ka muujiyay in ay gaadhay wakhtigii ay Somaliland heli lahayd Aqoosi caalami ah.
Waa kuma John Peter Pham?
John Peter Pham waa aqoonyahan Mareykan ah iyo qoraa ku takhasusay xidhiidhka caalamiga ah, waxaanu si gaar ah diiradda u saaraa arrimaha Afrika. Pham wuxuu hore ahaa Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka ee Gobolka Sahel ee Afrika. laga soo bilaabo March 2020 ilaa January 2021.
Sidoo kale, ka hor xilkaas wuxuu u shaqeeyay sidii Ergeyga Gaarka ah ee Gobolka Harooyinka Waaweyn ee Afrika laga bilaabo Noofambar 2018. Pham wuxuu sidoo kale ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Atlantic iyo Agaasimaha Xarunta Afrika Bishii September 2020, Pham waxaa la siiyay darajada shaqsiga ah ee safiir, isaga oo noqday Ameerikaankii ugu horreeyay ee Vietnamese ah ee gaadha darajadaas.
Pham waxa uu qaatay shahaadada B.A ee dhaqaalaha oo uu ka qaatay Jaamacadda Chicago, iyo shahaadada Ph.D. oo uu ka qaatay Jaamacadda Gregorian Bishii August 2004, Pham wuxuu ku biiray kulliyadda James Madison University ee Harrisonburg, Virginia isaga oo xubin ka ahaa barnaamijka daraasaadka caddaaladda ee cusub ee machadka. Ka dib waxa uu noqday Professor ku takhasusay Daraasaadka Caddaaladda, Sayniska Siyaasadda, iyo Daraasaadka Afrika, wuxuu ahaa agaasimaha Machadka Nelson ee Arrimaha Caalamiga iyo Bulshada.