Qaanuunka Giriiga hore gabadha muu aqoonsanayn inay leedahay xuquuq , waxaana uu aaminsanaa in ay ka hoosayso heerka iyo qiimaha banii’aadamka oo ay dhaxayso dadka iyo xayawaanka. Waxaana faylasuufkoodii Aristotle uu yidhi “ Gabadhu abuur ahaan malaha caqli weyn sidaa awgeed waa inay ku koobnaata hawlaha guriga, xanaanaynta iyo hooyanimada iwm”
Sidaas darteed Girgii hore ayaa aaminsanaa in gabadha nolosheeda dhabti ahi ay u bilaabanto marka la guursado, inta ka horaysana ay ku jirto nolol khayaali ah oo lagu macanayn Karin jiritaan xaqiiqi ah. Waxaana ay cimriga gabadha tiro aan loo bilaabi maalinta la guursado, Wakhtigaasi oo ah ay rumaysnaayeen inay bilowday nolosha dhabta ah. Islaamku markii soo baxay waxa uu soo celiyay haweenka xoriyadooda, isagoo ka joojiyay dulmigii iyo xaqiraaddii la asaasi jiray iyadoo oo aan xataa laba ogolayn in ay sii noolaato. Waana xorriyadda dhamaystiran ee gabadha muslimka ah ka dhigtay boqrada.