Qore: Boqore Axmed Cabdi
Hargaysa (Dawan) Agaasimaha cusub ee wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Cabdisalaan Maxamuud Ducaale (Ilkacase) ayaa ka dareen celiyay xilka uu madaxwaynuhu u igamaday, waxaanu xusay inuu awooda saari doono sidii uu u tayan lahaa warbaahinta dawladda.
Waxa kale oo uu Agaasimaha cusub ee wasaaradda warfaafintu intaasi ku daray inuu aad ugu farax san yahay in loo magacaabay wasaarad ay oogaan bulshada intii hagaysa ee Culimada, Wariyayaasha, Fanaaniinta waxaanu yidhi
“Waan ku faraxsan nahay in aan imaado halkan, wasaaradda warfaafintu dhaqanka iyo Wacyigalintu waa wasaaradaha ugu waawayn dalka, bulshadana intii dadka hagaysa ay joogaan haddi a Culmada tahay, haddii ay Abwaaniinta tahay, haddii ay Fanaaniintii tahay, haddii ay Wariyayaashii tahay intuba ay tahay meeshii dalkaba laga hagayay ee wacyiga dalka laga dhisayay.
Aad iyo aad baan ugu faraxsan nahay madaxwaynahana waan uga mahad celinayaa magacaabista uu ii soo magacaabay iyo xulashada meel aan aqoon u leeyahay maadaama aan Wariye hore ahaa jiray, wax badana ka fahamsanaa warbaahinta waan ku farax sanahay”.
Gebo’gabadii Agaasimaha cusub eewasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland Cabdisalaan Maxamuud Ducaale (Ilkacase) ayaa sheegay inuu samayn doono la tashi ballaadhan oo dhinaca khubarada saxaafad ee wasaarada jooga, kalana tashan doono sidii kor loogu qaadi lahaa adeegyada wasaaradda iyo hawsha ay dalka u hayaan waxaanu yidhi
“Iyada oo khubaradii warbaahintu dalku ay halkan ku dhan tahay aniga oo la tashan doona darsina doona halkan maanta la taagan yahay, maxaa yeelay warbaahintu maanta way guurtay in aynu la guurno oo Tiknoolaji baa soo kordhay, Idaacada iyo Muuq Baahiyuhu hore ayay u jireen, laakiin hadda waxa loo guuray Baraha bulshada inaynu u guurno halka ay warbaahinta dunidu u guureen, inaga oo ka faa’iidaysan doona khubaradeen Saxaafadda ee dhica kastaba aynu haysano”.