Qore Khadar M .Xaashi
Hargeysa (Dawan) Wasaaradda Caddaaladdu JSL, ayaa shalay laashay ruqsadaha nootaayooyin kala duwan, iyada oo u cuskatay qodobka 18 aad ee xeerka nootaayooyinka ee Xeer Lr.18/2001, kuwaasoo sifo sharciga waafaqsan looga laalay ruqsadihii ay ka haysteen wasaarada cadaalada
Sidoo kale waxa la faray in wixii dhokumentiska ah iyo shaambadaa, ay ku wareejiyaan isu-duwayaha gobollada Awdal, Togdheer iyo agaasimaha waaxda mihnadlayaasha sharci iyo marin u helada cadaaladda, sida uu dhigayo Qodobka 7-aad farqadiisa 3-aad ee Xeerka Nootaayooyinka Xeer Lr.18/2001
Nootaayooyinka wasaaradd cadaaladdu kala noqotay ruqsadihii ay ku shaqeysanayeen ee ay ka haysteen wasaaradaasi ayaa kala ah.
Nootayada Dhimbiil ee magaalada Burco, nootaayada Siciid ee magaalad Hargeysa, nooyada Horyaal ee magaalada Borama, nootayada Bookh ee magaalada Borama, nootayada Boon ee magaalada Borama, nootayada Jirab ee magaalada Borama, nootayada Al Najax ee magaalada Borama.
Warqadan lagu toddobada nootaayo lagaga laalay ruqsadihii ay ka haysteen wasaaradda cadaaladda waxa ku saxeexna wasiirka wasaaradda horumarinta cadaaladda JSL, Mudane Yoonis Axmed Yoonis.