Qore Khadar M .Xaashi
Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Mudane Cismaan Ibraahin Nuur(Afgaab), ayaa kormeer ku tagey jidka dowga Sheekh kaas oo maalmihii u danbeeyay u xidhna dhisme ku socday.
Wasiirka ayaa gobollada bariga Somaliland ku tagey kormeer la xidhiidha xog-ogaal unoqoshada jidadka kala duwan ee u kala gooshada degmooyinka iyo degaanada kala duwan ee gobolladaasi hoos yimaada.
Wasiirka ayaa warbixino kaga dhagaysatay goobta shaqadu ay ka socoto shaqaalaha gacanta ku haya dhismaha jidkan iyaga warbixin dhinacyo badan taabaneysa ka siiyay geedi socodka dhismaha jidkani.
Wasiir Cismaan Af-gaab ayaa shaqaalaha kula dardaarmay inay sii laba-jibaaraan dadaalada lagu dhammeystirayo jidkan, maadaama uu laf-dhabar u yahay isu socodka gaadiidka gobollada dalka JSL.
Geesta kale waxa uu faray inay bedelaan saacadihii ay wadadu xidhnaan jirtay, isla markaana laga dhigo 11 subaxnimo ilaa 5 galabnimo mudada ay shaqadu socoto.
Waxaanu yidhi “Saacadaha mooye maalmaha dhisku soconayo waxba kamaynaan beddelin, waxaaney ku eegtahay hawshu bisha 2/2/2024-ka, haddii ILLAAHEY yidhaahdo,.
Maalinkasta taliye waxa ay xidhmaysa 11-ka subaxnimo, waxaaney furmaysa haddii ALLE yidhaahdo 5-ta galabnimo.
Bulshada degmada Sheekh ee damacu kaga jiro goobaha wadada hareeraheeda ee la baneeyay waxaan u sheegaya in ay tahay danguud oo wadadu leedahay, maaha meel qof degi karo, guryaha meelaha laga dhisayna waanu kala hadlayna wasaaradda hawlaha guud,