Qore C/wahaab Daahir Xasan
Hargeysa (Dawan)- Fadhigii 006aad ee shirka golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo wehelinaayo Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa lagu ansixiyay odoroska Miisaaniyadda qaranka ee sannadka 2025.
Shirka golaha wasiirrada Somaliland oo Khamiistii dorraad ka qabsoomay xarunta Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland, ayaa ajandaha laga dooday ee la horkeenay Golaha Wasiirrada waxa uu ku koobnaa oo kaliya soo jeedinta iyo ansixinta Oddoroska Miisaaniyadda Qaranka ee Sannadka 2025-ka.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa Golaha Wasiirrada ka horjeediyey faah-faahin la xidhiidha qaab-dhismeedka Miisaaniyada 2025-ka., taas oo ka kooban afar qaybood oo kala ah:-
- Miisaaniyadda Dawladda Dhexe
- Miisaaniyadda Hay’addaha Madaxa-bannaan
- Miisaaniyadda Dawladaha Hoose iyo
- Mashaariicda ay Qaadhaan Bixiyeyaashu inagu caawiyaan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu Golaha Wasiirrada u sheegay in Wasaaradda Maaliyada gacan laga siiyo ururinta Cashuuraha iyo kobcinta dakhliga dalkeena, Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu Golaha Wasiirrada u sheegay in Wasaarad kasta iyo Hay’ad kasta oo ka mid ah Hay’adaha Qaranka oo iyagu qabta dakhli, la farayo in ay si toos ah dakhligaa ugu wareejiyaan Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dalka.
Dood iyo falan-qayn dheer oo la xidhiidha Oddoroska Miisaaniyadda 2025ka ka bacdi Madaxweynuhu waxa uu Golaha Wasiirrada u soo jeediyey in loo codeeyo soo jeedinta Oddoroska Miisaaniyada Sannadka 2025-ka.
Fadhigii Golaha Wasiirrada oo ay fadhiyeen 43 xubnood, waxay dhammaantood si kalsooni leh ugu codeeyeen ansixinta Oddoroska Miisaaniyadda 2025-ka, iyada oo aanay cidina diidin, cidina ka aamusin.
Intaa kadib, Oddoroska Miisaaniyadda 2025-ka waxa loo gudbin doono Golaha Wakiilladda Jamhuuriyadda Somaliland si ay uga gutaan waajibaadkooda sharci.
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL