Guddi ka Tirsan Golaha Wakiilada USA oo Dawladdooda Ugu Baaqay in ay Xafiis ka Furato Dalka Somaliland

0
12

Washington (Dawan)- Guddiga awoodda badan ee Golaha Wakiillada Maraykanka u qaabilsan ka hot-tagga iyo xakamaynta saamaynta Shiinaha ee sii kordhaysa, ayaa dawladdooda ugu baaqaya in wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanku ay xafiis diblumaasiyadeed ka furato Somaliland, si ay uga hortagto saamaynta Shiinuhu ku leeyahay Geeska Afrika oo ah gobol istiraatiiji ah.

John Moolenaar oo ah guddoomiyaha guddiga ayaa tilmaamay haddii Maraykanku qaado tallaabadan ay muhiimad weyn u yeelanayso danaha istaraatiijiyadeed ee Mareykanka ee Geeska Afrika iyo ka hortagga saameynta sii kordheysa ee Shiinaha, waxaanu sidaasi ku sheegay warqad uu qoray January  15 Xoghayaha Arimaha Dibada Antony Blinken ee xilka ka degaya iyo la’aanta ka qaybgalka Maraykanka.

Dhinaca waxa lagu sheegay warkan in Somaliland oo ku taalla meel istiraatiiji ah ay leedahay muhiimad weyn oo juqraafiyeed sababtoo ah u dhowaanshaheeda marin-biyoodka Bab-el-Mandeb, oo ah dariiq muhiim ah oo isku xidha Gacanka gacanka Cadmeed iyo Badda Cas. Marinkan oo xuddun u ah gaadiidka ganacsiga caalamiga ah iyo saadka milatari.

Warbixintu waxay intaas ku dartay “Dekedda Berbera ee Somaliland, oo u dhow Jabuuti iyo Yemen, ayaa bixisa fursad muhiim ah oo lagu ilaaliyo ammaanka gobolka.

Cameron Hudson oo ka tirsan xarunta Daraasaadka Istiraatiijiyadda  Caalamiga ah (CSIS) ayaa sheegay in soo jeedinta guddigu ay arrinta Somaliland ku soo celisay doodda weyn ee Mareykanka iyo Shiinaha. “Haddii hawlgalka Somaliland loo isticmaalo sidii lagaga hortagi lahaa saamaynta Shiinaha, taasi waxay noqonaysaa isbeddel weyn oo ka duwan doodihii hore waxayna kordhinaysaa fursadaha in si dhab ah loo tixgeliyo,” ayuu yiri Hudson.

Warbixintan oo ay daabacday warbaahinta caalamiga ah  ee semafor waxa lagu yidhi “Somaliland oo ah madax-banaanidiisa ku  dhawaaqday sannadkii 1991, haddana weli Mareykanka iyo beesha caalamka uma aqoonsana dal rasmi ah. Si kastaba ha ahaatee, horumarrada dhawaan dhacay ayaa muujinaya in Somaliland ay heli karto taageero siyaasadeed oo dheeraad ah, gaar ahaan haddii Donald Trump uu ku soo laabto Aqalka Cad. Falanqeeyayaashu waxay sheegeen in qaar ka mid ah mas’uuliyiinta cusub ee Trump ee u qaabilsan arrimaha Afrika ay muujiyeen diyaar u ahaansho in ay aqoonsadaan madax-bannaanida Somaliland.”

Warbixinta ayaa intaas raacisay “Dhinaca istiraatiijiga ah, Somaliland waxay leedahay muhiimad weyn oo juqraafiyeed sababtoo ah dhowaanshaheeda marin-biyoodka Bab-el-Mandeb, oo ah dariiq muhiim ah oo isku xidha Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas. Marinkan ayaa xuddun u ah gaadiidka ganacsiga caalamiga ah iyo saadka milatari. Dekedda Berbera ee Somaliland, oo u dhow Jabuuti iyo Yemen, ayaa bixisa fursad muhiim ah oo lagu ilaaliyo ammaanka gobolka.

Iyada oo dadka reer Somaliland ay xusayaan sannad-guuradii 1991 ee madaxbannaanidooda, rajada aqoonsiga Mareykanka ayaa sii kordheysa. Iyadoo xiisaha caalamka ee Geeska Afrika uu sii xoogeysanayo, dhismaha suurtogalka ah ee xafiis Mareykan ah oo ku yaal Somaliland wuxuu wax weyn ka beddeli karaa xaaladda juqraafiyeed ee gobolka.”