Madaxweynaha Somaliland Waxa uu na Faray, Siyaasaddiisuna ay Tahay in Ummada la Mideeyo”

0
18

“Madaxweynaha Qarankan loo Doortay Waa nin siyaasi ah, 40 sannana ka soo shaqaynayay diblumaasiyadda oo lagu Hanweynyahay inuu Arrimaha Dibada Inaga Dhiso”

Qore: Boqore Axmed Cabdi

Gabiley (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdalla Maxamed Carab ayaa sheegay in siyaasada madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro uu ku hogaaminayaa ay tahay in ummadda la mideeyo, lagana shaqeeyo sidii bulshada la isugu keeni lahaa meel kasta oo ay joogto ba.

Wasiir Cabdalla Maxamed Carab waxa kale oo uu tilmaamay in Madaxweynaha Qaranka Somaliland ee la doortay uu yahay nin siyaasi ah, isla markaana in ka badan afartan sannadood ka soo qaynayay arrimaha diblumaasiyadda, sidaa darteedna lagu han-weynyahay in uu dalka ka dhiso arrimaha dibada.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu sidaasi ka sheegay khudbad uu ka jeediyay munaasibad uu xilka ugu kala wareejinayay gudoomiyihii hore ee goboka Gabilay iyo Guddoomiyaha cusub ee madaxweynaha Somaliland u magacaabay gobolka Gabilay.

Cabdalle Maxamed Carab oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan leenahay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland loo doortay maanta, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, waxa uu na faray siyaasadiisuna ay tahay in ummadda la mideeyo, haddaan ummadda la midaynin wax inoo qabsoomayaa ma jiraan, marka aynu isku soo dhawaano, marka aynu gudaheena midayno waa horumarkeena iyo dhaqaalaheena, laakiin marka aynu sii kala fogaano cadawgu wuu inagu farxayaa”.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland waxa kale oo uu tilmaamay waayo’aragnimada Diblamaasiyadeed ee Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, isaga oo xusay in madaxwaynaha Somaliland uu muddo ku siman afartan sannadood ka shaqaynayay arrimaha Diblomaasiyadda taasi oo wax wayn ka taraysa siyaasadda arrimaha dibada dalka waxaanu yidhi “Madaxwayanaha Qaranka loo doortay waa nin siyaasi ah, afartan sannadood-na Diblomaasiyad buu ka soo shaqaynayay, waxa lagu han wayn yahay inuu arrimaha dibada dalka ka dhiso, laakiin waxa loo baahan yahay oo ay taasi ku imanaysaa in aynu dhisno arrimaha gudaheenna.”

Geesta kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa la dardaarmay gudoomiyaha cusub ee Madaxwaynaha Somaliland u magacaabay gudoomiyaha Gobolka Gabiley, waxaanu ku boorriyay inuu bulshada u caddaalad sameeyo, iskana ilaawo xasaasiyadii ololaha doorashada waxaanu yidhi “Guddoomiye Bookh waxaan kula dardaarmayaa, waa run xisbi mucaarid ah ayuu ka soo baxay, laakiin maanta gobolka Gabiley oo dhan waa u oday, run baa lagu wadayaa, caddaalad baa lagu wadayaa, Dimuqraadiyad baa lagu wadayaa, waan rajaynayaa inuu taasi fulin doono”.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in ka xukuumadda ahaan ay u adkaysanayaan dhaliisha iyo toosinta mucaaridka, isla markaasina ka dabacsanaan doonaa xukuumaddii hore, isaga oo tilmaamay inay aqbali doonaa wixii dhaliil ah, waxaanu yidhi “Aniga oo wasiirkii arrimaha gudaha ah dhaliisha waanu u adkaysanaynaa, mucaaridnimadu waa wax fiican, waxaaynu ugu talo-galnay in aynu is dhaliilno, waliba qoladii hore waanu ka dabacsanaanaynaa oo naanayso u bixin mayno, sida cadawga gudaha, balse waxa aanu odhanaynaa waa walaalaheen, way ina toosinayaan, waddanka ayay inala leeyihiin, waxbay ina tarayaan, kelmadahaasi ayaanu isticmaalaynaa”.

Wasiir Cabdalle Maxamed Carab ayaa sheegay inuu ka shaqaynayo sidii gobolnimada Gabiley u hirgali lahayd, waxaanu xusay inuu jecel yahay in uu ku guulaysto inta uu xilka hayo in lagu dhawaaqo gobolnimada Gabiley waxaanu yidhi “Halkan in badan ayaa gobolnimada lagaga hadlay, sii faani maayo laakiin waxaan jecelahay gobolnimada Gabiley in taariikhda la iigu xardho oo halkan taaladda la iiga dhiso oo aan noqdo ninka calanka taalada loo sameeyo oo gobolnimada aan ku xardhanaado, waanu ku dedaalaynaa xaqna way u leeyihiin”.