Qore: Boqore Axmed Cabdi
Hargaysa (Dawan) Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay 15-kii Bishan in todobaadka soocoda laga fuliyo dhamaan Masaajidada dalka oo dhan ololaha todobaadka wacyigalinta khataraha Maandooriyaha.
Dhamaan Masaajidada dalka ayaa u hogaansamay fariinta wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland waxaana maanta (shalay) Jimcihii khudbadii Masaajidada Hargaysa iyo dalka oo dhan bulshada laga wacyigaliyay dhibaatada iyo khatarta uu Maandooriyuhu ku hayo bulshada.
Masaajidada Hargaysa ayaa khudbadii Jimcaha waxa ay Khadiibyadu ku soo qaateen wacyigalinta dhibaatada Maandooriyaha iyaga oo tilmaamay sida uu saamaynta taban ugu yeeshay bur-burka Qoysaska, dhaqaale baabi’inta, dhibaatada dhalinyarada uu ku hayo iyo sida uu u saameeyay guud ahaan nolosha bulshada Somaliland.
Masaajidka Al-Rashiid ee Hargaysa oo uu khudbada ka akhrinayay Sheekha caanka ah ee Sheekh Maxamuud Haybe ayaa tilmaamay sida uu Mukhaadaraadka Qaadku u curyaamiyay dhaqaalaha qofka iyo ka Qarankaba, waxaanu bulshada u hoga tusaaleeyay dhibka uu gaadhsiiyay qoyasaska.
Sheekh ayaa tusaale u soo qaatay haddii hal Milyan oo reer Somaliland ah ay Qaad ku cunaan maalintii qiimaha ugu yar oo ah laba Dollar, taasi oo maalintii noqonaysa 1 Milyan oo Dollar bishiina noqonaysa 60 Milyan oo Dollar, Sheekh ayaa xusay in dhaqaalahaasi u wax badan ka tari lahaa horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha sida Jidadka, Caafimaadka, Waxbarashada, balse hadda ay tahay mid ku baxda meel aan loo baahnayn.
Sheekh Muxumed Haybe ayaa bulshada ku booriyay inay ku baraarugaan dhibaatata tooska ah iyo dhibta dadban ee uu Maandooriyuhu ku hayo bulshada, waxaanu ugu baaqay inay wacyigalinta ballaadhiyaan oo ay ka qayb qaataan.
Dhinaca kale Masaajidada kala duwan ee dalka gaar ahaan Hargaysa ayaa si xooga ah looga fuliyay todobaadka ololaha khatarta Maandooriyaha kaasi oo ay hormood u taay wasaaradda Diinta iyo Awqaatfa Jamhuuriyadda Somaliland.