“Waxaanu ka Ballan-qaadaynaa Madaxwaynaha JSL in aanu u Sinaanno Gobolada Dalka”

0
20

Qore: Khadar M.Xaashi

Gabiley (Dawan) Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Marwo Samsam Maxamed Saalax ayaa sheegtay in ay ka gole ahaan u sinaanayaan bulshada ku nool gobollada kala duwan ee dalka, isla markaasina u caddaaladda samaynayaan.

Marwo Samsam Maxamed Saalax ayaa sidoo kale tilmaamtay in ay dhex u noqonayaan ka xukuumad ahaan Xisbiyadda dalka ka jira iyaga oo fulinaya aragtida iyo siyaasadda madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxaanay tidhi “Waxaanu idiin wadnaa Madaxwayne bulshada walaalaynaya, waxanu na soo fara oo buuga waxqabadkiisana aynu ka haynaa horumar, waxaanu ka ballan-qaadaynaa madaxwaynaha Jamhuuriyadda in aanu u sinaanayno gobollada dalka, sidoo kale waxaanu ballan-qaadaynaa in aanu cadaaladda ilaalino, waxa kale oo aanu ballan-qaadaynaa in aanu xisbiyadda dhex u noqono”.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Marwo Samsam Maxamed Saalax ayaa sidan ka sheegtay mar ay gobolka Gabiley kaga qayb gashay munaasibada ay xilka kula kala wareegayeen gudoomiyayaasha gobolka Gabiley.