Waagu marka uu baryo magaalada Darwin Harbor ee waqooyiga Australia ilaalada ayaa ilaalinaya in wax Yaxaas ahi debeda uga soo baxay Biyaha, xarunta daaqa Yaxaaska ee Kelly Ewin. Dhulka Australia ee loo yaqaan Northern Territory ama Waqooyi ee Australia (NT), waxa ku nool qiyaastii 100,000 yaxaasyada biyaha milixda ah, waa in ka badan meel kasta oo adduunka ah.
Caasimada Darwin waa magaalo yar oo xeeb ah oo ay ku hareeraysan yihiin xeebo iyo dhul qoyan. Si dhakhso ah halkan waxaad u baranaysaa in meeshii ay biyo ka jiraanba, sida caadiga ah waxaa ku jira yaxaas. Yaxaaskan biyaha cusbada leh – ama milixda, sida ay u yaqaanaan dadka deegaanka – ayaa ku dhawaaday in la dabar gooyo 50 sano ka hor ka dib markii ugaadhsi waalan lagu qaaday.
Dagaalkii Labaad ee Adduunka ka dib, ganacsiga aan la xakameynin ee haraga yaxaaska ayaa kor u kacay tirada yaxaaska biyaha milixda lihina waxay hoos ugu dhacday ilaa 3,000.Laakiin markii la mamnuucay ugaadhsiga 1971,Yaxaasku waxay bilaabeen inay kor ugu kacaan si degdeg ah. Hadda weli waa la ilaaliyaa, laakiin loo biqimaayo in ay hoos u dhacaan.
Soo kabashada yaxaaska biyaha milixdu waxay noqotay mid aad loola yaabay oo Australiya hadda waxay wajahaysaa laba daran mid dooro: maaraynta tiradooda si ay ammaan ugu joogaan iyo laga nabad galo. “Waxa se laga baqayaa in marka kale dadku u jeestaan yaxaasyada,” ayuu yidhi khabiirka Yaxaaska Prof Grahame Webb.
La noolaanshaha ugaadha Yaxaaska
Heerkulka kulaylka ah ee Waqooyiga Austrlia ayaa kelifaya in xayawaanka dhiiga qabow oo dhammi ay hareeraha xeebaha ee faraha badan ka abuurtaan deegaan fiican, halkaas oo ay ka heliayaan diirimaadka heerkulka jidhkooda.
Waxa kale oo jira yaxaasyo kale oo ku nool Australia sida Waqooyiga gobolka Queensland iyo Galbeedka Australia. Yaxaasyada Australia inteeda kale waxyeeladoodu way yar tahay, laakiin kuwa milixdu waa kuwa dagaal.
Dhacdooyinkoodu waa naadir Australia, laakiin way dhacaan. Sannadkii hore, ilmo 12 jir ah ayaa la qaaday – waa dhimashadii ugu horreysay ee Yaxaas tan iyo 2018-kii.
Wakhtiga ugu mashquulka badan xarunta Kelly Ewin iyo shaqaaleheeda waa xilliga taranka , taasna macnaheedu waxa weeye way socdaan oo biyaha ayey ka soo baxaan.
Shaqaaluhu waxay ku jiraan biyaha dhowr jeer todobaadkii, iyaga oo hubinaya 24 saacadood dabinada yaxaasyada ee ku hareeraysan magaalada Darwin. Waa dabino ilaalinaya in yaxaasku ka gudbo oo dadka u tago.
Xeebahan oo sidoo kale ku caan ah kalluumeysiga, ayey Dawladda NT waxay dugsiyada ka samaysaa barnaamij wacyi gelin oo Yaxaaska ah, waxa loo yaqaan barnaamijka “Be Crocwise” – waxa uu dadka baraya sida mas’uuliyad leh ee loogu dhaqmo agagaarka degaannada yaxaaska leh.
Waa guul is faham laga gaadhay is dhex galka dadka iyo Yaxaaska, waxaana habkan raadinaya oo doonaya in ay Florida iyo Filipiin.
Sanadkii la soo dhaafay, dawladdu waxay ansixisay qorshe cusub oo 10 sano ah oo lagu maamulayo yaxaaska si gacan looga geysto xakamaynta tirada, taas oo kordhisay kootada yaxaaska ee la dili karo sannadkii 300 ilaa 1,200 oo neef. Hadda waxa ay taagan tahay tirada 250,000, taas oo aad uga sareysa tirada adduunka oo dhan.