Mid ka mid ah dadka Australian-ka ah ayaa lagu soo oogay dacwad ah inay sumaysay gabadheeda yar si ay ugu hesho tabarucaad oo ay kor ugu qaaddo taageereyaasha internetka. Haweeneyda u dhalatay Queensland ayaa ku andacootay in ay baraha bulshada kaga sheekeyneysay dagaalka uu ilmaheeda kula jiro xanuunka halista ah, balse dambi-baadhayaasha ayaa ku eedeeyay in ay daroogaynaysay ilmahan halka sano jirka ah ka dibna ay filim ka duubeysay iyada oo ku jirta “dhibaato iyo xanuun aad u weyn”.
Dhakhaatiirtu waxay qeylo dhaan ka muujiyeen bishii Oktoobar, markii ilmaha la dhigay isbitaalka uu soo gaadhay xaalad caafimaad oo halis ah. Baadhitaano bilo ah ka dib, haweeneydan oo 34 jir ah ayaa lagu soo oogay dacwado ay ku kacday jidhj-dil, isticmaalka sun, sameynta agab caruureed iyo wax isdaba marin.
Ma jiraan qodobo ku saabsan sida dembiyada noocan oo kale ah iyo heerarkooda, waa waxyaalo dadka ku cusub” Bilayska Queensland Det Insp Paul Dalton ayaa u sheegay suxufiyiinta Khamiistii.
Intii u dhaxaysay August iyo Oktoobar, baadhayaashu waxay sheegeen in haweeneyda – oo ka soo jeeda gobolka Xeebta ee qoraxda leh – ay siisay ilmaha dhowr daawooyin dhakhtar qoray iyo farmashiye, iyada oo aan ilmaha xannuunkiisa la ogaan. Waxay aad ugu dheeraatay sidii ay u heli lahayd dawooyinka aan loo fasixin oo ay qariso hab-dhaqankooda, waxay kale oo ku eedeeyeen, inay isticmaashay oo ilmaha siisay dawo qof kale oo gurigooda jooga.
Booliisku waxay bilaabeen inay baadhaan 15kii Oktoobar, markii ilmaha la keenay cusbitaalka isaga oo la kulmay “dhibaato niyadeed iyo jidheed oo daran iyo waxyeelo”. Tijaabooyin lagu sameeyay dawooyinka aan la fasixin ayaa soo celiyay natiijo wax ku ool ah dabayaaqadii June, ayay yidhaahdeen.
Si kastaba ha ahaatee, Insp Dalton ayaa sheegay in ilmuhu hadda u muuqdo inuu badbaaday si wanaagsana u soo kabanayo.
Gabadhani waxay ururisay $60,000, oo lacagta Australia ah una dhiganta (£30,500; $37,300) iyada oo loo soo mariyey deeqaha GoFundMe .
Booliisku waxay baadhitaan ku sameeyeen dad kale xadgudubka lagu eedeeyay, laakiin ma jirin wax caddayn ah oo lagu soo oogay qof kale, ayuu raaciyay. Haweeneyda ayaa lagu wadaa inay wajahdo maxkamada jimcaha.