Laba Garsoore oo Caan ka ahaa Dalka Iran oo lagu Dilay Tehran

0
19

Laba ka mid ah garsoorayaasha maxkamadda sare ee Iran oo caan ku ahaa maaraynta kiisaska sare, ayaa lagu toogtay magaalada Tehran, waxaana toogtay nin gacan ku dhiigle ah oo markii dambe naftiisa dilay.

Xafiiska Garsoorka oo ay soo xiganeyso Warbaahinta afka Dowladda ku hadasha ayaa sheegtay in ninka weerarka geystay aanu lahayn kiisas sharci oo taagan. Faahfaahinta dhacdadan ayaan weli caddayn, balse garsoorka Iran ayaa sheegay in ninka weerarka geystay uu labada garsoore ee sare ku dilay “dil qorsheysan” gudaha maxkamadda oo uu isku dayay inuu baxsado ka hor inta aanu naftiisa dilin.

Waardiye ayaa ku dhaawacmay weerarka, af hayeenka garsoorka Asghar Jahangir ayaa yidhi, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Mizan.

Garsoore Mohammad Moghiseh iyo Garsoore Ali Razini waxay ahaayeen garsoorayaal ruug-caddaa ah kuwaas oo tobanaan sano madax ka ahaa maxkamado ku lug lahaa maxkamadaynta mudaaharaadayaasha, fannaaniinta iyo dhaqdhaqaaqayaasha.

Moghiseh waxaa cunaqatayn saartay Maraykanka sanadkii 2019 ka dib markii eegay xukuno aan la tirin karin oo cadaalad darro ahaa, xilligaas oo eedeymaha ay noqdeen kuwo aan la xaqiijin karin cadeymahana la iska indha tiray.” Waxa sidoo kale cunaqabatayn saaray Midowga Yurub  siddeed sano ka hor.

Hal kiis oo uu xukumay hal mar sideed qof oo Iranian ah oo adeegsaday Facebook-ga ayuu isku darka xukunkooda ka dhigay 127 sano oo xadhig ah, waa min 12 sanno oo xadhig kadib markii lagu helay dambiyo ka dhan ah maamulka iyo aflagaadada diinta. Waxa uu sidoo kale xukumay filim sameeyayaal iyo gabayaa lagu eedeeyey dacaayad ka dhan ah dalka sida ay sheegeen warar madax bannaan.

Kiis kale oo dhacay 2019, wuxuu ku xukumay qareenka caanka ah ee xuquuqul insaanka Iran iyo difaaca xuquuqda haweenka Nasrin Sotoudeh 33 sano oo xadhig ah iyo 148 jeedal, sida ay sheegtay Amnesty International.

Sannadkii 1999-kii, Razini ayaa ka badbaaday isku day dil kadib markii bam loogu xidhay gaadhigiisa, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Fars ee Iran. Isaga iyo madaxweynihii hore Ebrahim Raisi, waxaa lagu eedeeyay inuu ka mid ahaa garsoorayaasha ku lug lahaa “Guddigii Dhimashada” guddigaas oo ku lug lahaa dacwad-qaadista iyo dilka kumanaan maxaabiis siyaasadeed ah 1988-kii.