“Waxaanu xoojin doona xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee inaga dhexeeyey walaalaheen dawlada Itoobiya…”
Madaxweynaha Somailand oo boggaadiyay xildhibaanada Baarlamanka dalka Mareykanka
Qore Khadar M .Xaashi
Hargeysa (Dawan) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka hadlay xidhiidhka Somaliland iyo dalka Mareykanka ee sii xoogeysanaya, kaasi oo hadda maraya heer uu Mareykanku aqoonsado JSL, iyada oo siyaasiyiinta ugu tunka weyn dalkaasina ay madaxweynahooda ugu baaqayaan inuu ilgaara ku eego madax banaanida iyo qadiyada JSL.
Sidoo kale waxa uu siweyn u boggaadiyay xildhibaanada reer Maraykan iyo Guddidada Arrimaha dibadda ee baarlamaankooda toddobaadyadii u danbeeyay ka dalbanayay in xafiisyo diblamaasiyadeed dalkoodu ka furto JSL.
Geesta kale waxa uu intaas ku daray madaxweynuhu in dowlado badan xidhiidho fiicani ay u socdaan, waxaanu hoosta ka xariiqay in midho wax ku ool ahi ka soo bixi doonaan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, waxa uu sidan ka sheegay Khudbad dhinacyo badan taabaneysa oo uu shalay ka jeediyay hadhima-sharafeed uu ku maamusay xildhibaanada golaha guurtida Somaliland iyo shir-guddoonkooda.
Waxaanu yidhi. “Waxa aan isagana xusayaa xidhiidhkeenna Maraykanka oo ku jira dalalka sida gaarka ah inoo daneeya.
Waxa aan bogaadinaynaa xildhibaanada reer Maraykan iyo Guddidada Arrimaha dibadda baarlamaanka ee ku baaqaya in Maraykanku uu xafiis diblumaasiyadeed ka furto Somaliland, waxa aannu mari doonnaa dariiq kasta oo aannu ku sii xoojinayno xidhiidhkaas.
Xidhiidho fiican ayaa noo socda dawlado badan oo kale, waxaanan rajaynayaa in midho wax ku ool ahi ka soo baxaan.”
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ay ka shaqaynayaan sii xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya, ee dhinacyada amniga, xasiloonida iyo horumarinta adeeg-bixinta dhaqaalaha.
Waxaanu ydihi.“Waxa aan xusayaa Itoobiya oo ah saaxiib soo-jireen ah iyo jaar aynnaan uga marmayn horumarka dhaqaalaha, adkaynta amniga, xasiloonideenna bulsho, iyo xidhiidhkeenna Afrika.
Waajib bay nagu tahay in aannu xidhiidhkaas sii wanaajinno, faa’iidada uu u leeyahay labadeenna Qaranna aanu halka ugu sarraysa gaadhsiinno.”.
Madaxeynuhu waxa uu sheegay in uu faraxsan yahay inay kulmaan isaga iyo mudaneyaasha golaha guurtida Somaliland, waxaanu hoosta ka xariiqay inuu joogteynayo la kulankooda si ay uga wada shaqeeyaan danaha Qaranka gaar ahaan hadba xaaladii soo kordha.
Waxaanu yidhi “Farxad weyn bay ii tahay in aan maanta Golaha Guurtida oo ah Golaha Koowaad ee Qaranku halkan isugu nimaadno, waxa aan rejaynayaa in uu noqdo kulan joogto ah, si aynnu uga wada soconno xaaladaha Qaranka, waxna isaga weydiinno tallaabooyinka aynnu ku dhisayno Mustaqablka Qarankeenna Jamhuuriyadda Somaliland.
Walaalayaal; Golayaasha Qarankaneennu door muhiim ah ayey ku leeyihiin geedigga dimuqraadiyadda iyo nidaamka dawladnimo ee dalkeenna.
Sidaas awgeed waajib bay xukuumad ahaan nagu tahay, in aannu kaalin idinka siinno nashqadaynta isbeddelka togan ee aannu doonayno in aannu qarankan ku hagno.
Golaha Guurtida oo qudhaydu aan xubin sharafeed ka ahay, hoggaamintiisa, xikmaddiisa iyo taladiisa waayo-aragnimo, ayaa qeyb lixaad leh ku lahayd dhismaha seeska dawladnimadeenna, adkaynta qiyamkeenna iyo dhaqankeenna, iyo sugidda ammaankeenna.
Shaqadaas muhiimka ah oo Goluhu uu kalsooni badan kaga kasbaday Qaranka, iyo kaalinta gaarka ah ee uu dastuurkeennu siiyey, waxa ay iftiiminaysaa muhiimadda weyn ee ay leedahay wada shaqaynta waaxyaha kala duwan ee dawladdu, si loo adkeeyo nidaamka dawladnimo, loona xaqiijyo himilada muwaadiniinta.
Waxa aan jecelahay in kulankani uu noqdo kii sii dardargelin lahaa iskaashigaas, iyo wada shaqayntaas waajibka innagu ah.
Inuu noqdo kulankii u gogol-xaadhi lahaa midnimo qaran oo aynnu tusaale ugu noqonno guud ahaan umaddeenna, waxtarkeeduna ka muuqdo gobalka iyo guud ahaan xidhiidhkeenna dalalka dibadda.”
Geesta kale waxa uu sheegay Madaxweynuhu in ay dib u habayn ku sameyn doonaan hay’addaha ammaanka iyo difaaca Qaranka, waxaa uu intaas ku daray in uu si madax bannaan u magacaabi doono guddi uu kala tashaday shir-guddoonkoodka golaha guurtida, kuwaas oo ka shaqayn doona arrimaha nabadgelyada.
Waxaanu yidhi “Dalka gudihiisa waxa aannu bilownay kormeero la xidhiidha Ciidankeenna kala duwan si aan dib u habaynta hay’adaha ammaanka iyo difaaca Qaranka u galno. Dhinaca kalena waxa aannu barbar wadnaa dedaallada xasilinta bariga Somaliland oo meel fiican maraysa, dhawaanna sida aan Shir Guddoonka Golaha Guurtida isla qaadannay waxa aan si madax bannaan u magacaabi doonnaa Guddi u xilsaaran arrimahaa nabadeynta.
In kasta oo aanay waqtigan jirin khatar gurmad degdeg ah u baahani, haddana waxaa waajib ah feejignaan dheeraad ah, si aynnu u xaqiijinno in qarankani uu sii ahaado shamaca nabadda iyo dimquraadiyadda ee gobolka Geeska Afrika.”
Gaba-gabadii madaxweynaha JSL, Mudane Cabdiraxmaanm Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay inay ku hawlan yihiin ka xukuumad ahaan in loo midoobo himilada iyo hiigsiga guud ee Qaranku leeyahay, waxaanu soo jeediyay in meel la iska dhigo doonista qofeed iyo danaha ka hooseeya Qarannimada.
Waxaanu yidhi. “Aynnu dhinac iska dhigno doonisteenna qofeed iyo danaha ka hooseeya qarannimada, una midowno himilada iyo higsiga guud ee qarankeenna, xukuumad ahaan taas ayaannu ka shaqayn doonnaa, wadajir waxa aynnu dhisi karnaa Somaliland qurux badan, adkays leh, rejo run ku dhisanina u muuqato.