Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Madaaradda oo Kulan la Qaatay Madaxa Xafiiska Hargaysa ee UK

0
25

Hargaysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda Duulista Hawda iyo Madaaradda Jamhuuriyadda Somaliland Fu’aad Axmed Nuux oo uu weheliyo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada Yuusuf Kayse Cabdillaahi ayaa xafiiska wasaaradda kulan kula qaatay madaxa Xafiiska Hargaysa ee dalka UK Mr. Ilyas Malek.

Kulankan la geesoodka ahaa ayaa lagaga wada hadlay sidii ay Dowladda UK uga taageeri lahayd Somaliland adeegyada Duulimaadyada iyo Horumarinta Kaabayaasha Madaaradda taasi oo ah muhiimada koowaad ee wasaaradda, loona baahan yahay inay iska klaashadaan wasaaradda iyo dawladda saaxiibka dhaw la ah ee UK.

Madaxa Xafiiska Hargaysa ee Dawladda UK Mr. Ilyas Malek ayaa isaguna dhinaciisa xusay in dawladda UK ay ka mid tahay wadamada sida wayn Somaliland uga taageera Horumarka, waxaanu hoosta ka xariiqay inay wasaaradda Duulista iyo hormarinta Madaaradda kala shaqayn doonaan horumarinta adeegyada Duulimaadyada iyo Madaaradda.

Ugu dambayntii Wasiirka Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda ayaa uga mahad-celiyay Dawladda Ingiriiska kaalinta ay ku leedahay taageerada mashaariicda horumarinta ee Somaliland, isaga oo si gaar ah u soo dhaweeyay kaalinta ay ka qaadanayaan horumarinta Hawada iyo Madaaradda.