Wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda jamhuuriyadda Somaliland ayaa qorsheyaal kala duwan u dejisay sidii hoos loogu dhigi lahaa dhuxulaysiga iyo jarista dhirta, taasoo ka mid ah aafooyinka waayadan danbe ku habsaday deegaankeena.
Tallaabooyinkaasi waxaa ka mid in la sameeyo waxyaabo lagu bedelayo addeegsiga dhuxusha, isla markaana waxay u jeedadu tahay in la helo waxyaabihii loo isticmaali lahaa tamar ahaan ee geli lahaa halka maanta dhuxusha laga isticmaalo.
Qorsheyaashaasi waxaa ka mid ah sidii bulshadda loo fahamsiin lahaa isticmaalka Shooladaha cuntadda lagu kariyo, iyo sidoo kale sidii bulshadda loo fahamsiin lahaa ama loo bari lahaa in la heli karo waxyaabo kale oo lagaga maarmayo dhuxusha.
Sidoo kale waxyaabaha ay wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland qorshaysay in lagu bedelo isticmaalka dhuxusha waxaa ka mid ah in dadweynaha ku nool magaalooyinka dalka la gaadhsiiyo iyagoo qiimahoodu jaban yahay Gir-gireyaasha dhuxusha madhxiya.
Inkastoo Gir-gireyaasha dhuxusha madhxiya ay yihiin kuwo dalkeena gudihiisa lagu sameeyo, hadana waxaa la dejiyay qorshe ay dhaqaale ahaan ku kabayso farsamoyaqaanadda sameeyo Gir-gireyaasha dhuxusha madhxiya, iyadoona wasaaradu dadka danyarta ah ee magaalooyinka dalka qaarkood Gir-gireyaashaasi kaga iibinaysa qiime jaban.
Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Jamhuuroyadda Somaliland ayaa shalay Gir-girayaasha Dhuxusha Beekhaamiya u qaybisay qaar ka mid ah dadka Danyarta ah ee ku nool magaalooyinka Hargaysa, iyo Burco. Gir-gireyaashani oo ah kuwa dalka gudihiisa lagu sameeyo, ee ay farsameeyaan dadka Tumaaladda ah ayaa 500 oo ka mid ah laga qaybiyay caasimadda Hargaysa, halka 500 oo kalena laga qaybiaya Burco.
Qaybinta Gir-gireyaasha Dhuxusha madhxiya ayaa looga dan leeyahay in hoos loogu dhigo isticmaalka Dhuxusha oo ka qayb qaata xaalufka iyo nabaad-guurka deegaanka, iyo in la dhiiri geliyo dadka farsamo-yaqaanadda ah ee sameeya Gir-gireyaashaasi.
Iyadoona Gir-gireyaashani ay qayb ka yihiin mashruuc ay in muddo ah soo wada fulinayeen wasaaradda Deegaanka Somaliland iyo haayadda UNDP. Mashruucaasi oo muhiimadiisu ahayd yaraynta Dhuxusha, sida uu sheegay Caydaruus Ismaaciil Muuse, Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL, oo hadal ka jeediyay madashii qaybinta Gir-gireyaashaasi ee magaaladda Hargaysa.
“Waxaynu halkan u joognaa in aynu qaybino Gir-gireyaasha Dhuxusha Madhxiya, oo qayb ka ah mashruucii weynaa ee ay wada, wadeen wasaaradda Deegaanka Somaliland iyo haayadda UNDP. Mashruucaasi oo muhiimadiisu ahayd yaraynta Dhuxusha. Mashruuucaasi marxalado badan ayuu soo maray, oo faa’iidooyin badan u leh qaranka, marka loo eego ilaalinta degaanka. Sanadka na waxaa lagu jiraa gebagabadii mashruuca”.
Caydaruus Ismaaciil Muuse, agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL, waxa kaloo uu faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii ugu waaweynaa ee laga faa’iiday mudadii uu mashruucaasi soo socday. “Waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee uu mashruucu qabtay waxaa ka mid ahaa, in Gaaska cuntadda lagu kariyo, la gaadhsiiyay goboladda bariga Somaliland. Waxaana goboladda Sool, iyo Sanaag, laga qaybyay haamaha Gaaska oo gaadhaya ilaa 800, oo xabadood. In la caawiyay ama la taageeray shirkado yar yar oo soo koraya, oo geedka Garan-waaga u bedelaya Dhuxul.
Sidoo kale waxa uu mashruucu caawiyay tan aynu maanta (shalay) u joogno, ee aynu ku qaybinayno in dadka danyarta ah ee ku nool magaalooyinka Hargaysa iyo Burco, loo qaybiyay kun Gir-girre. Waxaanan rejaynaynaa in Gir-gireyaashaasi ay dhimaan isticmaalka Dhuxusha” .
Gir-gireyaashani ayaa 500 oo ka mid ah lagu sameeyay gobolka Togdheer, gaar ahaana magaaladda Burco, halka 500 boqol ee kalena lagu sameeyay magaaladda Hargaysa.
Waxaana mashruucaasi ka gacan siiyay wasaaradda deegaanka Somaliland haayadda UNDP iyo haayadda Waddaniga ah ee Candle Light.
Iyadoona madashii qaybknta Gir-gireyaashaasi ee magaaladda Hargaysa ay goob joog ka ahaayeen saraakiil ka kala socday haayadahaasi. Agaasimaha Haayadda Candlight Cabdirisaaq Bashiir Libaax, oo isna ka halkaas ka hadlay ayaa tilmaamay in la filayaan in Gir-gireyaasha Dhuxusha madhxiyaa ay isticmaalka Dhuxusha hoos u dhigaan 50%.
Waxaanu yidhi, “Gir-gireyaasha Dhuxusha Madhxiya sababta loo sameeyay, iyo faa’iidadoodu waxa weeye, Dhuxusha faraha badan ee ay dadku isticmaalayaan sidii loo yarayn lahaa. Waxaanan rejaynaynaa in Gir-gireyaashani ay hoos u dhigaan 50% Dhuxusha ay qoysasku isticmaalayaan.
Waana mashruuc ku tacaluqa sidii deegaanka loo bad-baadin lahaa. Shaqooyin na loogu abuuri lahaa, loona dhiiri gelin lahaa dadka farsamoyaqaanadda ah ee sameeya Gir-gireyaasha Dhuxusha Madhxiya”.
Cabdi Abokor, oo ka socday haayadda UNDP oo wasaaradda Deegaanka Somaliland kala shaqaysa arrimaha bad-baadinta deegaanka ayaa sheegay in mudadii uu mashruucani soo socday inuu wax badan ka qabtay daryeelka deegaanka. Waxaanu tilmaamay in hadda lagu jiro qaybtii ugu danbaysay ee mashruuca maadaama ay muddo sanad iyo dheeraad ah soo wadeen.
Geesta kale qaybta labaad iyo qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa sanadihii u danbeeyay xukuumadda Somaliland gaar ahaana wasaaradda Deegaanka ayaa si weyn isugu hawshay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka haleelay deegaanka, gaar ahaana xaalufinta deegaanka, iyo jarista dhirta qoyan.
Waxaanay wasaaradu dariiqooyin kala gedisan u martay sidii hawlahaasi wax looga qaban lahaa, isla markaana loo bad-baadin lahaa dhirta faraha badan ee sanad walba la jaro si dhuxul loooga shito, iyadoona wasaaradu dedal u gashay sidii loo heli lahaa diyaarinta wixii lagu bedeli lahaa dhuxusha.
C/raxmaan C/laahi Yuusuf, maamulaha shirkadda SOMGAS, ayaa ka waramay u jeedadda ay shirkadoodu qiimo dhimistani u samaysay, iyo doorka ay ka qaataan bad-baadinta deegaanka, iyo jarista dhirta.
Waxaanu yidhi “U jeedadda aanu ka leenahay waxa weeye, intan aanu imika bixinayno ee 5000 ee haamood, in ay bad-baadiso deegaanka. 5000 ee qoys bishii waxay isticmaali jireen, qiyaastii 6 Geed oo dhuxul laga soo shiday. Dhirtu waa ta aynu ku nool nahay, xooleheeena, iyo nafteena, iyo caafimaadkeena, iyo hawada aynu neefsanaynaaba ay ku jirto.
Markaanu qiyaasnay mustaqbalka waxaanu ogaanay in ay imika diyaar yihiin 100,000 oo qoys, taasoo aanu ugu tallo galnay in xafladani lagu dhiiri geliyo, lagana wada qayb qaato. Wasaaradan Deegaanku, waa wasaarad masuuliyiinta jooga fahamkoodda deegaanku heerka uu marayo, waa mid uu dalka intifaacsan doono, oo wax badan wadanka inooga tari doonta.
In aynu is garab taagno wasaaradda deegaanka halkaa uu fahamkoodu joogo ee ah ilaalinta deegaanka, iyo isbedelka cimiladda ilaalintiisa, waanu dhiiri gelinaynaa shirkad ahaan, in ay bulshadu la fahmaan, oo ay kala shaqeeyaan”.