Qore Boqore Axmed Cabdi
Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdinaasir Axmed Xirsi, ayaa sheegay in tallaabada u horraysa ee ay qaadayaan ay tahay xasilinta shilinka JSL, kaas oo sannadihi u danbeeyay hoos u dhac aad u weyni uu ku yimid.
Guddoomiyuhu sidoo kale waxa uu xusay inay raadinayaan sidii ay xal-waara ugu heli-lahaayeen sicir-bararka xadhkaha goostay ee saameyay qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland, waxa uu intaas ku daray inay La-kaashan doonaan wasaaradda horumarinta maaliyada iyo hay’addaha gacanta ku haya adeegbixinta lacagta danabeysan.
Guddoomiyaha ayaa sidan ka sheegay mar uu shalay xilka kala wareegayay guddoomiyihi hore ee baanka dhexe ee Somaliland.
Waxaanu yidhi.“Waxaanu balanqaadayna shaqada u horraysa ee aanu qabaneyna waa xasilinta oo shilinkeena sannadahan u danbeeyay qiima-dhac ku socday, anaga oo raadin doona xal waraa, anaga oo kaashaneyna wasaaradda maaliyada oo Qaranka halbowle u ah, shirkadaha lacagaha ee Qaranku leeyahay ee dalka ka shaqeeya,”
Geesta kale guddoomiyaha ayaa ka digey in laga macaasho dadka danyarta, waxaanu caddeeyay inay tallaabo ka qaadi doonaan cidkasta oo isku dayda inay bulshada danyarta faa’iido ka doonto.
Waxaanu yidhi.“Ciddii isku dayda in ay sigaara uga faa’ideysato isku sarifka lacagaha oo dadka danyarta ah dhiibaateysana tallaabo sharciga waafaqsan ayaanu ka qaadeyna, dib u habeynta baanka ka socotana waanu siiwadi doona”.