Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa shalay wareegto madaxweyne ku magacaabay Masuulyiinta Hayโadda Horumarinta Waddooyinka Somaliland. Waxaanu madaxweynuhu Maxamed Faarax Cabdi Nuur in uu ahaado Maareeyaha Hayโadda Horumarinta Waddooyinka ee Jamhuuriyadda Somaliland, halka Maxamed Cabdalle Xuseen Xasan na loo magacaabay Maareeye Ku-xigeenka Hayโadda Horumarinta Waddooyinka ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Wareegtada madaxweynaha Somaliland, oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay wargeyska Dawan, waxa ay u dhignayd sidan:- โMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 22/01/2025 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-046 /012025 uu ku magacaabay Masuulyiinta Hayโadda Horumarinta Waddooyinka
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ข๐
๐๐๐ซ๐ค๐ข๐ข ๐๐๐ง ๐๐ซ๐ค๐๐ฒ:Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
๐๐๐ซ๐ค๐ข๐ข ๐๐๐ง ๐ญ๐ข๐ฑ๐ ๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐๐ฒ:Ahmiyadda ay Hayโadda Horumarinta Waddooyinku u leedahay dhismaha Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo horumarka dalka.
๐๐๐ซ๐ค๐ข๐ข ๐๐๐ง ๐๐ซ๐ค๐๐ฒ: Aqoontooda, kartidooda, iyo waayo-aragnimadooda;
๐๐๐ซ๐ค๐ข๐ข ๐๐๐ง ๐ค๐ฎ ๐ช๐๐ง๐๐๐ฒ: In ay hanan karaan masโuuliyadaha ka dhalanaya xilalkan hoos ku xusan;
๐๐๐ซ๐ค๐ข๐ข ๐๐๐ง ๐ฌ๐๐ฆ๐๐๐ฒ๐๐ฒ: La-tashi;
๐๐๐ฑ๐ ๐๐๐ง ๐ ๐จโ๐๐๐ฆ๐ข๐ฒ๐๐ฒ ๐ฅ๐๐ ๐ ๐๐ข๐ฅ๐๐๐๐จ ๐ญ๐๐๐ซ๐ข๐ข๐ค๐ก๐๐ ๐ฆ๐๐๐ง๐ญ๐;
- In Maxamed Faarax Cabdi Nuur uu ahaado Maareeyaha Hayโadda Horumarinta Waddooyinka ee Jamhuuriyadda Somaliland.
- In Maxamed Cabdalle Xuseen Xasan ahaado Maareeye Ku-xigeenka Hayโadda Horumarinta Waddooyinka ee Jamhuuriyadda Somaliland.
๐๐น๐น๐ฎ๐ฎ ๐ ๐ฎ๐ต๐ฎ๐ฑ ๐๐ฒ๐ต
๐๐ฎ๐ฏ๐ฑ๐ถ๐ฟ๐ฎ๐ ๐บ๐ฎ๐ฎ๐ป ๐ ๐ฎ๐ ๐ฎ๐บ๐ฒ๐ฑ ๐๐ฎ๐ฏ๐ฑ๐ถ๐น๐น๐ฎ๐ฎ๐ต๐ถ (๐๐ถ๐ฟ๐ฟ๐ผ)
๐ ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ ๐๐ฒ๐๐ป๐ฎ๐ต๐ฎ ๐๐ฎ๐บ๐ต๐๐๐ฟ๐ถ๐๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐ฆ๐ผ๐บ๐ฎ๐น๐ถ๐น๐ฎ๐ป๐ฑโ




















