Taliyaha Dab-demiska oo ka hadlay Wadarta Guud ee tirada hawlgaladii ay sameeyeen

0
21

Qore Boqore Axmed Cabdi.

Hargeysa (Dawan) Taliyaha Ciidanka Dabdemiska iyo Samatabixinta JSL Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa sheegay in ciidanka dabdamiska lagu qaato imtixaan ay u soo galaan shaqada Qaranka loo hayo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidanka dabdamiska ay mabnuuc ka yihiin balwadaha kala duwan sida qaadka iyo sigaarka, waxa uu intaas ku daray in ciidanka dabdamiska ay ku bilaabeen 15 imikana ay marayaan 242 isla markaana ay 52 saraakiil yihiin.

Taliyaha ciidanka dabdemisku waxa uu sidan ka sheegay warbixin uu siineyay madaxweynaha Qaranka oo ku booqday xaruntooda.

Waxaanu yidhi.“Imtixaan ayay ku soogalaan, jaad, sigaar, balwad iyo salad la’aan midna lama ogola, 2014-kii ayaa la aasaasay ciidanka dabdamiska JSL, waana ciidankii ugu danbeeyay ee ciidan ahaan Somaliland looga dhiso, 15 ayaanu ku bilowney, maantana 242 ayay marayaan, 52 ayaa saraakiila”

Geesta kale waxa uu mid mid isu dultaagey hawlgaladii ay sameeyeen, hantiidii kala duwaneyd ee ay badbaadiyeen iyo tirada wadarta guud ee dabkii ay bakhtiyeen.

Waxaanu yidhi. “Sannadkii galbaday waxa aanu bakhtiiney 858 dab, biyo waxaanu isticmaalay todoba kun lix boqol iyo sagaal iyo sagaashan, waxaanu badbaadiney shan milyen sideed boqol iyo konton kun, sagaal boqol iyo todobaatan iyo sagaal, dad waxa aanu badbaadiney 125, xoolo waxa aanu badbaadiney 27 gaadiid waxa aanu badbaadiney 90, wadarta guud waxa ay noqonaysa sideed kun sideed boqol iyo kow dab ayaanu bakhtiiney, lacagta aanu badbaadiney waa boqol iyo todobaatan mileyn , shan boqol iyo lix kun iyo shan iyo konton,”.