Hargeysa (Dawan) Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday in ay waddo qorshe dugsiyo lagaga hirgelinayo jeelasha dhexdooda si loo kobciyo aqoonta maxaabiista.
Wasiirka wasaaradda caddaaladda Somaliland, Mudane Yoonis Axmed Yoonis, oo wareysi siiyay BBC Somali, ayaa sheegay in ay rabaan in xabsiyadu aanay noqon goobo ciqaabeed, balse ay noqdaan goobo maxaabiistu wax ku bartaan, sidoo kale ay ka helaan daryeel caafimaad.
Sidoo kale waxa uu sheegay in xukuumadda cusub ee Somaliland ay horumarinayso xaaladaha nololeed ee xabsiyada, isla markaana ay dhisayso xabsiyo u gaar ah haweenka, maadaama oo ay ka duruufo duwan yihiin ragga.
Geesta kale waxa uu xusay in xukuumad ahaan ay ka fogaan doonaan in dadka loo geysto xadhig sharciga baalmarsan, isla markaana ay isku dayi doonaan in ay ilaaliyaan xuquuqda cabbirka ra’yiga dadka.
Waxaanu yidhi. “Waa qorshe weyn oo qaran oo muhiim ah oo dunida oo dhan istandarka ah, dadka maxaabiista ahi waa in ay u noolaadaan sida dadka kale, oo xuquuqaha ay leeyihiin uu qaranku damaanad qaado, taas ayuu salka ku hayaa barnaamijkani iyo ku dhawaaqistiisu”.