Mar Kasta Wanaaggu Haku Muuqdo!

0
351

Macalin ayaa soo qaaday sabuurad weyn oo cad waxaana uu ku dhejiyay Gidaarka. Badhtanka sabuuradda ayuu ku sameeyay dhibicย  madow.ย  Markaasi ayuu ardaydii weydiiyay maxaad ย gidaarkan ku aragtaan ? dhamaantood waxay ku jawaabeen dhibic madaw. Haddana wuu ku celiyay kolba mid ayaa isku daya oo yidhaa โ€œDhibicโ€ , ama Goobo and Globe dunida. Markii ay halkaasi dhaafin waayeen ayay ka codsadeen Macalin noo sheeg?

Macalinka oo yaaban ayaa ardaydii ku yidhi: โ€œ Gidaarka waxa ku dhejisan Sabuurad Cad oo saafi ah. Laakiin Idinku waxaad arkaysaan dhibicda yar ee madow oo keliya. Sidaasi ayay aadamigu xumaan yar u wada arkaan iyagoo wanaagga faraha badan indhaha ka laliya.