Diblamaasiyaddu waa aalad lagama-maarmaan u ah xidhiidhka caalamiga ah, waxaana loo qaybiyaa laba nooc oo waaweyn: Diblamaasiyadda Furani (open diplomacy) iyo Diblamaasiyadda Qarsoodiga ah (secret diplomacy).
Diblamaasiyadda Furani waa mid si cad loo og yahay ama loo faafiyo dhacdooyinka, wada hadallada iyo kulamada laba dawladood, laba dhinac ama ka badani wada yeeshaan. Halka Diblamaasiyadda Qarsoodiga ahi (Secret Diplomacy) ay tahay hab diblamaasiyaddeed ay dawladaha ama dhinacyadu si hoose, qarsoodi ah, oo aan la shaacin uga wada hadlaan arrimaha siyaasadda, nabadda, dagaalka, ama danaha istiraatiijiga ah.
Somaliland oo ah dal aan weli ictiraaf caalami ah helin, una baahan taageero siyaasaddeed iyo mid dhaqaalle, waxaa waajib ku ah hadba inta talada gacanta ku haysa in ay isticmaalaan xeelado diblamaasiyaddeed oo kala duwan, kuwaas oo ay ka mid tahay diblamaasiyadda qarsoodiga ah (secret diplomacy).
Maqaalkani waxa uu iftiiminayaa muhiimadda Diblamaasiyadda Qarsoodiga ah ee Somaliland iyo sida ay u xoojin karto danaha qaranka.
๐ ๐๐ก๐๐ฆ๐ค๐ ๐๐ข๐๐ฅa๐ฆ๐๐๐ฌ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐๐ซ๐ฌ๐จ๐จ๐๐ข๐ ๐ ๐๐ก:
Diblamaasiyadda Qarsoodiga ah waa hab-diblamaasiyaddeed ay dawladaha iyo hayโadaha caalamiga ahi u adeegsadaan wadaxaajoodyada aan loo baahnayn in si furan loo shaaciyo. Waxay ku salaysan tahay laba tiir oo muhiim ah:
๐. ๐๐๐ซ๐ฌ๐จ๐จ๐๐ข ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐จ๐ -๐ช๐๐ซ๐ข๐ง: Wadahadalladu waxay ka dhacaan meel aan bulshadu ogayn, loogamana hadlo si furan (public).
๐. ๐๐ฎ๐ฅ๐๐ฌ๐ก๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐ซ: Keliya dad kooban oo la isku hallayn karo ayaa ka qaybqaata, si loo ilaaliyo sirta iyo guusha wadaxaajoodyada.
Habkan waxa si gaar ah loo isticmaalaa marka laga hadlayo arrimo xasaasi ah sida heshiisyo ciidan, dhaqaalle, ama muranno xuduuddeed. Ujeeddadu waa in laga hor tago cadaaddis dibaddeed ama mid gudeed inta wadaxaajoodyadu socdaan.
๐๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ๐๐๐๐ ๐๐ข๐๐ฅ๐๐ฆ๐๐๐ฌ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐๐ซ๐ฌ๐จ๐จ๐๐ข๐ ๐ ๐๐ก ๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐:
Somaliland, oo ah dal aan weli helin aqoonsi caalami ah, waxay la kulmaysaa caqabado siyaasaddeed iyo kuwo diblamaasiyaddeed oo xaddidaya doorkeeda caalamiga ah. Soomaaliya oo weli ku doodaysa in Somaliland ka mid tahay ayaa ah caqabad ka mid ah, taas oo dadaal dheer ugu jirta hor istaagga dhaqdhaqaaqyada siyaasaddeed iyo diblamaasiyaddeed ee Somaliland. Sidaa darteed, adeegsiga Diblamaasiyadda Qarsoodiga ahi waxay u noqon kartaa Somaliland xeelad muhiim ah oo ay kula macaamili karto dalal iyo ururro aan si furan u taageeri karin, balse danaynaya iskaashi ay la yeeshaan Somaliland.
๐. ๐๐๐๐๐ฑ๐๐๐ฃ๐จ๐จ๐๐ฒ๐จ ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐๐๐ข๐ฌ ๐๐๐ก๐๐ฒ๐ง
Diblamaasiyadda Qarsoodiga ahi waxay Somaliland u fududayn kartaa in ay wadahadallo la yeelato dalal iyo ururo caalami ah oo sababo siyaasaddeed dartood aan si furan u muujin karin taageeradooda. Wadahadallada noocan ahi waxay waxay u oggolaa karaan dalal badan inay si hoose ula shaqeeyaan Somaliland iyaga oo aan xumeyn xidhiidhka ay la leeyihiin dalalka kale ee gobolka.
๐. ๐๐๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ๐ฒ๐จ ๐๐ก๐๐ช๐๐๐ฅ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ฌ๐ค๐๐๐ฌ๐ก๐ข:
Diblamaasiyadda Qarsoodiga ahi waxay u sahli kartaa Somaliland in ay si qarsoodi ah ugala xaajoon karto dalal iyo shirkado waaweyn sidii ay uga heli lahayd maalgashi iyo iskaashi dhaqaalle. Mar haddii ay jirto cabsi laga qabo in heshiisyo furan ay keeni karaan cadaadis ka yimaadda Soomaaliya ama ururrada caalamiga ah, habkan qarsoodiga ahi wuxuu u oggolaan karaa Somaliland in ay hesho maalgelin iyo iskaashi dhaqaale iyada oo aan si rasmi ah loo shaacin.
๐. ๐๐๐๐ ๐๐๐ซ๐จ ๐๐ฆ๐ง๐ข ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ข๐ฅ๐๐ญ๐๐ซ๐ข:
Somaliland waxay wadahadallo qarsoodi ah la yeelan kartaa dalal iyo hayโado caalami ah si ay u hesho taageero dhinaca amniga, la dagaallanka argagixisada, iyo dhismaha awooddeeda difaaca ah. Dalal badan oo xiisaynaya iskaashi amni oo lala yeesho Somaliland balse aan rabin in ay si furan u muujiyaan taageeradoodu waxay adeegsan karaan hab-diblamaasiyaddeedka qarsoodi ah.
๐. ๐๐จ๐๐๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐ข๐๐ก๐ข๐ข๐๐ก๐ค๐ ๐๐๐๐ฌ๐ค๐ ๐๐๐ซ๐ข๐ค๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ฅ๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐ก๐๐ฅ๐ข๐ข๐ฃ๐ค๐:
Somaliland waxay si qarsoodi ah ula shaqeyn kartaa dalalka Geeska Afrika iyo Khaliijka si ay uga hesho fursado siyaasaddeed iyo dhaqaale. Xidhiidh qarsoodi ah oo lala yeesho dalalka awoodda badan ee gobolka (sida UAE, Itoobiya, iyo Sacuudiga) wuxuu Somaliland u sahli karaa in ay yeelato saaxiibbo istiraatiiji ah, kuwaas oo gacan ka geysan kara dadaalka ay ugu jirto aqoonsiga caalamiga ah.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐จ:
Diblamaasiyadda Qarsoodiga ahi waa xeelad istiraatiiji ah oo Somaliland u adeegsan karto kor u qaadista danaha qaranka iyada oo aan la kulmin cadaadis dibadeed. Haddii si xeeladaysan loo adeegsado, waxay Somaliland u sahli kartaa in ay hesho aqoonsi, iskaashi dhaqaale, iyo amni iyada oo aan halis gelin sumcadeeda ama dadaalkeeda diblamaasiyaddeed. Sidaa darteed, habkan ayaa noqon kara mid muhiim u ah siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland, gaar ahaan xilligan ay raadinayso in ay hesho aqoonsi caalami ah.
W/Q: Qoraa, Cabdiqani Cabdilaahi Aadan