“ Baahiyaha Caafimaad ee Gobolka Sanaag Yaalla si Deg Deg ah ayaan Wax uga Qaban Doonaa”Agaasimaha Wasaaradda Caafimaadka JSL

0
12

Qore: Boqore Axmed Cabdi

Ceerigaabo (Dawan) Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr.Axmed Maxamuud Jaamac oo ka mid ahaa wefti wasiiro ah oo ku sugnaa gobolka Sanaag ayaa booqday goobaha caafimaad ee gobolka.

Agaasimaha ayaa sheegay inay baahiyo bahan oo dhinaca caafimaadka ah ay yaalaan gobolka Sanaag, waxaanu xusay in ka wasaarad ahaan ay si degg degg ah wax uga qaban doonaa waxaanu sheegay

“Maanta oo Jimce ah (shalay) waxa aannu u kuurgal iyo xog-ogaal u noqosho u ahayn goobaha caafimaadka gobolka Sanaag, iyada oo uu nagu hogaaminayo wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka, sidoo kale wasiirka waxbarashada, waxaanu soo marnay goobaha caafimaadka oo dhan, waxaanu darisnay baahiyaha yaala iyo xaaladaha ka jira.

Runtii warbixintii waanu soo qaadanay, waanu la noqon doonaa haddii EEBE idmo wixii aanu ka qaban karno si degg degg ah ayaanu uga qaban doonaa, isaga oo gobolku yahay gobol qaba baahiyo badan oo caafimaad, waxaanu isku dayi doonaa in aanu wax ka qabano”

Gebo’gabadii wefti uu hogaaminayo gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiiladda Somaliland Siciid Faarax Mire Giire iyo xubno wasiiro iyo Agaasimayaal ah ayaa ku sugan gobolka Sanaag, kuwaasi oo qayb ka ah nabadaynta iyo ka jawaabista baahiyaha caafimaad iyo waxbarasho ee ka jira gobolka.