Matag qof oo jiray 66 milyan oo sanno oo laga helay Denmark

0
17

Qayb ka mid ah matag qof oo mudadiisa lagu sheegay inuu jiray waagii dinosaurs ayaa laga helay Danmark.

Peter Bennicke  oo ugaadhsida arrimaha deegaanka ee ayaa ka helay lafo-qalfoof noqday meesha loo yaqaano Stevns Klint oo ku taal xeebta bari ee dalka halkaas oo Unesco ku dartay liiska goobaha la ilaaliyo.

Ninka isku magacaabay inuu ku takhasusay qalfoofka ayaa sheegay in uu la kulmay qaybo aan caadi ahayn oo u eg jajab kuwaas oo isu beddelay qaybo ka mid ah ubax badeedka ee noocyada biyaha hoostooda oo ku jira gabal tamaashiirta .

Mr Bennicke wuxuu qaatay jajabkii oo uu ku baadhay Matxafka Bariga Sjælland, kaas oo xaqiijiyay in mataggu uu noqon karo taariikhda dhammaadka xilligii Cretaceous 66 milyan oo sano ka hor – xilligaas oo jireen dinosaurs ay ka mid ahaayeen Tyrannosaurus iyo Diplodocus.

Jesper Milan, khabiirka palaeontologist iyo khabiirka madxafka, ayaa BBC u sheegay inay “runtii ahayd helitaan aan caadi ahayn” maadaama ay gacan ka geysaneyso sharraxaadda xidhiidhka silsiladda cuntada ee taariikhdii hore.

“Waxay wax nooga sheegaysaa cidda wax cunaysay 66 milyan sano ka hor,” ayuu yidhi.

Inta lagu jiro muddada kalluunka iyo Nibrigu waxay cuni jireen ubaxyada badda, kuwaas oo ay adag tahay in la dheefshiido taas oo la micno ah inay “dib u soo celin doonaan dhammaan jajabyada tamaashiirta”, ayuu yidhi.

” Helitaankani waa muuqaal gaar ah oo ku saabsan xaaladda maalinlaha ah ee gunta hoose ee badda Cretaceous – badda intii ay noolaayeen dinosaurs,” ayuu yidhi.

Daah-furka ayaa sidoo kale muhiim u ah horumarinta fahamkayaga hab-nololeedyadii hore.

Mr Milan waxa uu sheegay in madxafkiisa uu xogtan u diray oo kaliya saxaafada maxaliga ah balse daahfurka ayaa kiciyay xiisaha caalamka. “Tani waa gabalkii ugu caansanaa aduunka ee abid,” ayuu yidhi.