Nuxurka Guulaha ka soo Baxay Safarka Madaxweynuhu ku Tegay Dalka Imaaradka Carabta

0
18

Qore: Boqore Axmed Cabdi

 

 

Hargeysa(Dawan):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi iyo weftigii uu hoggaaminayay ee booqashada rasmiga ah ugu maqnaa dalka Isutagga Imaaraadka Carabta,  dalka  dib ugu soo noqday  ,ka dib guulo siyaasadeed oo ay kala soo haydeen safarkaa shaqo ee ay ku tageen dalka Imaaraadka Carabta.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JSL, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aaden Bakaal iyo Wasiirka Madaxtooyada JSL, Mudane Khadar Xuseen Cabdi, oo ka mid ahaa masuuliyiinta xukuumadda ee ku wehelinayay Madaxweynaha weftigiisa, ayaa soo dhawayntii kadib, kula hadlay warbaahinta Qolka Martida ee Madaarka Cigaal, isla markaana si kooban uga warbixiyay shacabka muhiimadda uu safarkaasi u lahaa dalka iyo hawlaha usoo qabsoomay weftiga Madaxweynaha muddadii ay ku sugnaayeen dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

“Sidaad wada ogsoon tihiin bishii Jeeniwari 26keedii Axaddii, Madaxweynaha JSL, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta oo ay ka heleen soo dhawayn iyo ballan-qaad rasmi ah. Muddadii aannu joognay, waxaannu la kulannay madaxda ugu sarraysa dalka Imaaraadka oo ay ka mid yihiin Madaxweyne ku xigeenka iyo Raysal Wasaare ku xigeenka, Sheekh Mansuur Bin Sayid AL Nahyaan iyo wasiirro ay ka mid ahaayeen wasiirada arrimaha dibedda, dhaqaalaha iyo shaqada. Waxaannu kulamo la qaadannay lix hay’adood oo dawli ah oo ah kuwa ugu waaweyn dalka Isutagga Imaaraadka Carabta. Waaxa kale oo aannu la kulannay masuuliyiinta ugu sarraysa amniga dalka Imaaraadka Carabta.”

“Muddadii wada hadalku noo socday, weftiga uu hoggaaminayay Madaxweynaha JSL iyo madaxda dalka Imaaraadka, waxaannu ka wada hadallay horumarinta dhaqaalaha iyo maalgashiga ay ka mid yihiin xoolaha, beeraha iyo sidii dawladda Imaaraadka Carabtu ay u maalgashan lahayd khayraadka dabiiciga ah ee dalkeenna sida macdanta iyo shidaalka.”

“Imaaraadka Carabta xidhiidh ayaynu leennahay. Waa dalka qudha ee wadankeenna maalgashaday, waad ogtihiin inay DP-World tahay mashruuca ugu weyn ee maalgashi ee ay ku leedahay dalkeenna. Sababtaas ayuu Madaxweynuhu safarkiisii ugu horreeyay ugu tegay dalka Imaaraadka Carabta. Waxay diyaar u yihiin inay maalgashadaan dalkeenna dhinac walba – khayraadka dabiiciga ah iyo xagga horumarka, beeraha iyo xoolaha. Waxaa kale oo aan ka wada hadallay sidii loogu heli lahaa dhalinyarteenna soo koraysa oo 70% ah, shaqooyin.”

“Waxaan kala soo kulannay natiijo aad u wanaagsan oo runtii horumar weyn iyo waxqabad u keenaysa dalkeenna. Guud ahaan, safarkaasi wuxuu ku soo dhammaaday jawi aad u waanagsaan, waxaanan ku ballansannay in xidhiidhku degdeg usii socdo, waxaanad arki doontaan weftiyo is daba joog ah oo ka iman doonaa dalka Imaaraadka Carabta oo iman doona dhulkeenna.”

“Waxaan idiin ku bushaaraynayaa in weftigaas shaqo ee tegay dalka Imaaraabta Carabtu uu runtii la soo kulmay jawi aad u wanaagsan oo ay ka soo kordheen arrimo la taaban karo oo waxqabad iyo horumar dalkan u keeni doonaa muddooyinka soo socda”. Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aaden Bakaal, Wasiirka Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL.

Wasiirka Madaxtooyada JSL, Mudane Khadar Xuseen Cabdi oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa ku tilmaamay safarka shaqo ee weftiga Madaxweynuhu ku tegay Imaaraadka, inuu ahaa mid natiiji guul ah ku soo dhammaaday oo iskaashi horumar dhaqaale iyo maalgashi lagu abuurayo.

“Sidaa wasiirka arrimaha dibeddu ka hadlay safarka uu Madaxwaynuhu hoggaaminayay ee uu Imaaraadka ku tegay waxaa uu ahaa safar aan ku raadinaynno iskaashi sidii aannu u heli lahayn ee maannan baryo tagin.”

“Waddankani waa waddan hodan ah, wuuxu leeyahay khayraad faro badan oo dhaqaale, xooluu leeyahay, waxaynu nahay waddamada dunida ugu xoolaha badan, dhul “Fertile” ah oo la beero ayuu leeyahay, wuxu leeyahay gaas iyo saliid iyo wax fara-badan oo u baahan in la maalgashado oo innagu maanta awooddi dhaqaale iyo tii farsamo aynaan haynin.

Waxaa aannu kala so hadlaynay ee u badan dawladda Imaaraadkuna wuuxu ahaa sidii aan isaga kaashan lahayn wakhtiga fog iyo ka dhawba, dawladda Imaaraadkuna ay qayb ka noqoto sidii ay u maalgashan lahayd aagaga kala duwan ee dhaqaale ee dihin ee dalkeennu leeyahay.”

“Waxaana farxad noo ah in ay aad iyo aad u soo dhaweeyeen, caadi ahaan marka la doonayo in maalgashi la sameeyo dariiq buu maraa ku soo booddo maaha. Waxaanan rajaynaynaa in maalgashi lagu farxo uu waddanka Imaraadka iyo waddamo kale oo farabadan ba uu ka iman doono. Waxaynu ku dadaalaynaa inaynu abuurno jawigii iyo deegaankii maalgashigaas aqbali lahaa ee soo dhawayn lahaa. Waxaanan doonayaa inaan u sheego shacbiga Somaliland in ay dawladdani ku dadaalayso inay shacbiga wax u qabato oo ay wax muuqda u qabato laakiin aanay sawro tusin,” Mudane Khadar Xuseen Cabdi, Wasiirka Madaxtooyada JS.