“Safarkii Madaxwaynaha JSL ee Imaaraadka Carabtu Guul Wayn buu Qaranka u ahaa” Faysal Cali Waraabe

0
14

Qore: Khadar M.Xaashi

Hargaysa (Dawan) Gudoomiyaha Xisbigii hore ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay safarkii weiftiga uu Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland hogaaminayay ay ku tageen dalka Imaaraadka Carabta oo ay Somaliland saaxiib dhaw yihiin, waxaanu gudoomiyuhu ku tilmaamay inuu safarkaasi ahaa guul wayn oo Qaranka u soo hoyatay.

Dhinaca kale Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga faa’iidaysto horumarka iyo iskaashiga uu rabo dalka Imaaraadka Carabtu inuu inala qabto, isaga oo xusay in aynu leenahay aqoontii iyo kartidii looga faa’iidaysan lahaa fursasdahaasi.

War qoraal ah oo uu Faysal Cali Waraabe kaga hadlay guulaha safarka Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa u dhignaa sidan:-

“Safarkii Madaxweyne Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ee Imaaraadka guul buu ahaa, Dawlada Imaaraadku qalbi wanaagsan ayey inoo haysaa wax wayna waa u diyaar in ay inala qabato dhinac walba.

Waxa is weydiin leh ma ka faai’daysan karana, ma leenahay aqoontii iyo kartidii aynu fursadan kaga faai dasan la hayn? Haa, haddi aynu gacamaha is qabsano, danta qaranka ka horaysiino da shakhsiga.”