Sanad-guurada 80-aad ee xasuuqii Naaziga oo dunida laga xusay

0
18

Ku dhawaad ​​50 qof oo ka badbaaday xasuuqii Yuhuuda iyo daraasiin hoggaamiyeyaal caalami ah ayaa ka soo qayb galay munaasabado xusuus ah oo ka dhacay goobta xeradii gumaadka ee Auschwitz-Birkenau oo ku taal Poland Isniintii si ay u xusaan sannad-guuradii 80-aad ee ka soo wareegtay markii xeradaa ay xoreeyeen ciidankii Casaa ee midowgii Soofiyeeti ee Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

27-ka Janaury waxaa aduunka oo dhan laga xusaa maalinta xusaska Holocaust ee caalamiga ah. Lix milyan oo qof ayaa lagu dilay Holocaust iyada oo Naasiyiintu ay isku dayeen inay baabi’iyaan qowmiyadda Yuhuudda.

Xorayntii xerada Auschwitz

Jan. 27, 1945, ciidamada Cas Cas ee Ruushka ayaa xoreeyay Auschwitz, waa tii ugu weynayd  lix xero ee oo Nazi-gii Jarmalku u samaystay baabi’inta dadka Yuhuuda. Waxay ka mid ahayd xeryahay nidaamkii Hitler u samaystay inuu tirtiro dhammaan jinsiyadda Yuhuudda, waxaana Xasuuqaasi  in ka badan 4 sano iyo badh.

Waxay ahayd qayb ka mid ah “Xalka ugu dambeeya ee loogu tallo galay in lagu dhammeeyo dhibaatada Yuhuudda, taas ahayd istaraatiijiyad dil wadareed oo lagu heshiiyay Shirkii Wannsee ee 1942  oo Nazigu yeeshay.

Qiyaastii 1.1 milyan oo qof ayaa lagu dilay Auschwitz-Birkenau, 960,000 oo ka mid ah ayaa qiyaastii Yuhuud ahaa. Inta kale waxay ahaayeen Usha, Roma, khaniisiint, maxaabiistii Ruushka ee dagaalka iyo jinsiyado kale ayaa sidoo kale lagu dilay.

Dadkaa waxa la dili jiray iyaga oo laga siibay dharkii waxaana lagu shubi jiray qolalka ay ka buuxaan gaaska Zyklon-B ee dadka nafta ka qaada. sanadkii1944kii, dad lagu qiyaasay 12,000 oo qof ayaa maalin kasta lagu shubi jiray dadka gaaska.

Kumanaan kale ayaa la toogtay ama la garaacay ilaa ay ka dhinteen. Cuduro u dhintay, gaajo u dhintay,  neef qabatoobay. Meydadkooda waxa  lagu aasayey xabaal wadareedyo.

Markii ciidamada Cas Cas (Red army) ay ku soo dhawaadeen xerada Auschwitz-Birkenau ee bariga, askarta Nazi ayaa isku dayay inay qariyaan dambiyadooda. Ku dhawaad ​​60,000 oo maxaabiis ah ayaa si qasab ah loogu wareejiyay xeryo kale iyaga oo galay waxa loogu yeedhay “socodkii dhimashada” (death marches) waxa loo lugaysiiyey xero kale oo galbeedka ka fog ah. Waxa lagu qiyaasay in ilaa 15,000 ay ku dhinteen jidka.

Markii ay ciidamada Ruushku galeen Auschwitz, qiyaastii 7,000 oo maxbuus ayaa ku hadhay, kuwaas oo intooda badan qarka u saarnaa dhimasho. Kumanaan qof ayaa dhintay ka hor intii aanay helin gargaar caafimaad.

Sanadguurada 80-aad ayaa ku soo beegantay iyada oo ay sii kordhayaan cabsida laga qabo korodhka kooxaha midigta fog ee Jarmalka, Yurub iyo meelo kale. Walaaca noocaas ah waxaa ka dhawaajiyay dad badan oo ka badbaaday Auschwitz, oo uu ku jiro Leon Weintraub, oo Auschwitz loo musaafuriyay 1944-kii haddana ku nool Sweden.

Cabsida Jarmal

Dowladda Jarmalka ayaa marar badan ka digtay khatarta ka imaan karta xisbiga Alternative for Germany (AfD), oo ku jira codbixinta kaalinta labaad, ama ku dhawaad ​​20%, ka hor doorashada Febraayo. AfD waxaa isha ku haya laamaha sirdoonka Jarmalka oo ah xisbi “xagjir” ah oo suurtagal ah.

Colaadda Israa’iil

Weeraradii xudduudaha ee Xamaas ee Oct. 7, 2023, iyo dagaalka naxariis darada ah ee Israel iyo Xamaas ee Gaza, ayaa hadheeyay dhacdooyin xusuus ah oo ka dhacay Israa’iil.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaan ka qeybgalin xuska Auschwitz. Netanyahu ayaa wajahaya amar lagu soo xirayo maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ee looga shakisan yahay in ay galeen dambiyo dagaal intii uu socday dagaalkii Israel ay kula jirtay Xamaas, taas oo uu si adag u beeniyay.

 

Agaasimaha madxafka Auschwitz, Piotr Cywinski, ayaa soo saaray codsi ah in la ilaaliyo xusuusta wixii dhacay, maadaama kuwii badbaaday ay dhinteen.

“Xusuustu way dhibaysaa, xasuustu way caawisaa, xasuustu waxay hagtaa… xasuus la’aan ma lihid taariikh, khibrad ma lihid, ma jirto meel laga tixraaco,” ayuu yidhi.

Madaxweynaha Poland Andrzej Duda ayaa ballan qaaday in Poland lagu aamini karo inay ilaaliso xusuusta lixda xero ee dhimashada ee dhulkeeda, ee Treblinka, Sobibor, Belzec, Majdanek iyo Chelmno.