Sirdoonka Iyo Warbixinaha Qarsoon!

0
16

Intii lagu jiray dagaalkii qaboobaa, Mareykanku waxay aad ugu dadaleenย  in ay wax badan ka ogaadaan maraakiibta badda quusta iyo Tiknoolajiyadda ICBM ee Ruushka. Waxaana u suurtagashay inay ogaadaan inuu jiro aalad hoose oo isgaadhsiineed oo u dhow Badda Okhotsk oo Ruushku (Midowga Sofiyeet) samaystay.ย  Wakhtigasi waxay keeneen farsamo casri ah oo ay xidhiidh badda hoose ah la sameeyaan aaladaasi si ay ugu basaasaan isgaadhsiinta Ruushka.ย  Sanado badan ayay arinkaasi adeegsadeen taasi oo Ruushka aad uga yaabisay siraha culus ee si fudud Maraykanku ku helo.

Ruushka ayaa markii danbe culays saaray sidii uu hawlwadeenada CIA-da Maraykanka uga heli lahaa shakhsiyaad warbixino ka siiya arinkaasi. Sannadkii 1985, sarkaal ka tirsan sirdoonka Maraykanka oo lagu magacaabo Richard Pelton, ayaa si qarsoodi ah uga iibiyay sirtii Kabaylkaasi hoose ee Maraykanku isticmaalo Ruushka. Waxaana uu gudbiyay safiirka Austeria u fadhiyay Ruushka Lacagta uu ka siiyay ayay dhamayd $ 35,000.ย  , laakiin markii dambe ayaa la ogaaday oo laย  xidhay Richard Pelton.ย  ย Ugu danbayntii Pelton waxaa la ogaaday waxaana lagu xukumay denbi basaasnimo sanadkii 1986, iyadoo xukunkiisu noqday saddex xukun oo kala duwan oo dhamaantood xabsi daaโ€™im ah, iyo in uu xabsiga ku jiro ilaa maalinta uu dhimanayo. Mar kasta khaayinal waddanku waa u fashilmaa