Sweden oo qabatay markab laga leeyahay Bulgaariya oo burburiyey xadhigga Fibre Optic-ka

0
20

Ciidamada ilaalada xeebaha Sweden ayaa eryaday oo qabtay markab Bulgaria laga leeyahay ka dib markii uu waxyeelo soo gaadhsiiyeyy fiilada Fibre Optic ee hoos marta badda Baltic ee isku xidha Sweden iyo Latvia, sida uu sheegay mulkiilaha markabka Isniintii.

Latvia ayaa Axadii u soo dirtay markab dagaal si uu u soo baadho waxyeelada soo gaadhay, halka dacwad oogayaasha Sweden ay fureen baadhitaan “curyaamin ula kac ah”.

Wadamada ku xeeran badda Baltic-ga ayaa ku dadaalay sidii ay u xoojin lahaayeen difaacyada ka dib markii la tuhunsanaa in la burburiyay xadhkaha badda hoosteeda bilihii la soo dhaafay, iyada oo qaar ka mid ah dadka indha indheeya ay eedaynayaan Ruushka.

Markabka Bulgarian ayaa Axaddii “waxaa ceydhsaday ilaalada xeebaha Sweden iyada oo la raacayo tilmaamaha markabka markuu soo galo dhul badeedkooda, waxaana uu hadda ku xidhan yahay halka baadhitaanku uu ka socdo,” Alexander Kalchev, CEO of Navigation Maritime Bulgare (Navibulgar) ), mulkiilaha Vezhen, ayaa u sheegay AFP.

Wuxu diiday inuu ku lug leeyahay wax dumin. “Waxaan ku qanacsanahay inaanan dhihi karin…in tani ay ahayd fal xaasidnimo ah,” ayuu raaciyay.

Markabkan oo ka babanaayay calanka Malta oo agabka Beeraha loo isticmaalo ka soo qaaday Ust-Luga oo dalka Ruushka kuna wajahnaa Koonfurta Ameerika ayaa jawiga cimillada oo xumayd socday Sabtidii marka la eego xogta ay bixiyeen shaqaalihii markabka,ayuu yidhi Kalchev.

baadhitaan Axaddii la sameeyay ayaa lagu ogaaday in “mid ka mid ah maraakiibtii halkaa martay barroosinkiisu uu dhaawac soo gaadhay, isla markaana ay suuro-gal tahay in uu ku jiitay sagxadda badda,” ka dibna laga saaray d barroosinkii, sida uu sheegay baadhitaanku.

Markabkan oo la dhisay sanadkii 2022-kii ayaa waxaa saaran shaqaale ka kooban 8 Bulgarian ah iyo sagaal u dhashay dalka Myanmar.

โ€œShaqaalo ka tirsan masโ€™uuliyiinta Sweden ayaa markabka fuulay si ay u fuliyaan tallaabooyin baadhitaan ah,โ€ ayuu sarkaal sirdoon ah u sheegay AFP.

Khasaaraha soo gaadhay fiilada ayaa ka dhacay dhul-badeedka Sweden oo qoto dheer ugu yaraan 50 mitir, sida ay saraakiishu sheegeen.

Fiilada waxaa iska leh xarunta raadiyaha iyo telefishinka dowladda ee Latvia (LVRTC) oo bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ay jiraan “qalalaas ku yimid adeegyada gudbinta xogta.”

NATO ayaa bishan ku dhawaaqday inay bilaabayso hawlgal cusub oo la socodka badda Baltic taas oo ay ku lug leeyihiin maraakiibta iyo diyaaradaha si ay uga hortagaan isku dayga lagu beegsanayo kaabayaasha badda hoosteeda.

Madaxweynaha Midowga Yurub Ursula von der Leyen ayaa muujisay “midnimo buuxda” oo ay la leeyihiin wadamada ay dhibaatadu ka dhacday. “Adkeysi iyo badbaado kaabayaasheena muhiimka ah waa mudnaanta koowaad,” von der Leyen ayaa ku qoray X.