Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha Ka Dhagax-dhagay Deegaanka Magaalo-cad Riig Biyood

0
13

Qore C/wahaab Daahir Xasan

Awdal (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha Mudane Abubakar Cabdiraxman Good oo Maalmimihii u danbeeyay Safar shaqo ku joogay Goboladka Awdal iyo Selel ayaa shalay dhagaxdhigay ceel-biyood Cusub oo Ay Wasaaraddu ka hirgelinayso Degmada Magaalo-cad ee gobolka Awdal,

Dhagax dhigan ceel biyoodka ee laga hirgalinayey deegaanka Magaala-cad ayaa waxa kasoo qayb galay Madaxda Heer Gobol, Heer degmo,Xildhibaano, bulshada kunool  Magaalo-cad iyo sidoo kale dadka  hareeraysan deegaanka Magaalo-cad

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha ayaa kula dardaarmay dadka inay ilaashadaan Ceel-biyoodkan iyadoo wasiirku balan qaaday in loo dhamays tiri doono dhamaan waxyaabaha uu u baahanyahay ceelku sida dararka xooluhu ka cabaan,   solartii iyo taangigii isla markaana biyaha magaalada lagaadhsiin doono.

“Dhagax dhiga ceel kani waxa uu ka mid yahay balanqaadkii xukuumada cusub ee boqolka cisho ee u horeeyey, waxan rajaynaynaa in ceelka lagu guulaysto oo biyo macaan laga helo, dadka reer Magaalo-cad na waxan kula dardaarmayaa in ay ilaashadaan ceelka”Wasiir Good.

dadka deegaanka ayaa dhankooda aad u soo dhoweeyay ceel-biyoodkan oo ka mid noqonaya waxqabadka xukuumadda cusub ee boqolka cisho ee u horeeya.

Geesta kale Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha, Mudane Abubakar Cabdiraxmaan Good, ayaa safar shaqo oo la xidhiidha u kuurgalka xaaladda biyaha ee dalka ku maray gobollada Bariga iyo Galbeedka Somaliland. Safarka wasiirka oo maalmahan socday ayaa daraad si rasmi ah uga soo gabagaboobay magaalada Gabiley.

Intii uu safarka ku jiray, Wasiirka ayaa kormeeray ceelasha biyaha ee magaalada Gabiley iyo kuwa siiya magaalada Wajaale, kuwaas oo ku yaalla deegaanka Botor. Ujeeddada kormeerka ayaa ahayd in la qiimeeyo xaaladda ceelasha, tayada biyaha, iyo baahiyaha ka jira adeegyada biyaha ee gobolladan.

Kormeerka kadib, Wasiirka ayaa kulan ballaadhan la qaatay madaxda wakaaladaha biyaha ee magaalooyinka Gabiley, Wajaale, iyo Arabsiyo. Kulankan oo uu wasiirka wehelinayay Xoghayaha Gobolka Gabiley iyo Maareeyaha Wakaalada biyaha ee Gobolka Gabilay ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa adeegyada biyaha si loo hubiyo in bulshada ay helaan biyo nadiif ah oo ku filan.

Wasiirka ayaa kula dardaarmay maareeyayaasha wakaaladaha biyaha inay si hufan ugu adeegaan bulshada, dadaalna galiyaan sidii xal waara loogu heli lahaa caqabadaha la xidhiidha helitaanka biyaha. Waxa uu xusay in wasaaraddu ay ka go’an tahay horumarinta kaabayaasha biyaha iyo in la ballaadhiyo adeegyada si looga jawaabo baahida sii kordhaysa ee ku aadan dhinaca Biyaha.

Gabagabadii Safarkan Wasiir good iyo waftigiis ayaa ka mid ah dadaallada ay Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyuhu ugu jirto horumarinta adeegyada biyaha ee dalka, gaar ahaan deegaannada ay ka jirto baahiyaha Biyaha isla markaasina dadka reer Saomliland looga haqab tiri lahaa dhinaca biyaha.