Qore: Faysal Xiis Afgaab
Hargaysa (Dawan):- Taliyaha Ciidanka qaranka Somaliland Sarreeye Guuto Nimcaan Yuusuf Gaaxnuug,ayaa ballan qaaday in uu ciidanka qaranka ku hoggaamin doono muddada uu xilka hayo sinnaan caddaalad iyo wada tashi isla markaana uu noqon doono taliye isku wada ciidanka qaranka oo dhan.
Taliye Nmcaan oo ka hadlayay munaasibadda xilwareejinta oo si wayn loosoo agaasmay isla markaana uu khamiistii xilka kagala wareegay Taliyihii hore ee Ciidanka qaranka Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani.
Hadal kooban oo uu ka jeediyay munaasibadda xilwareejinta isagoo uga mahadnaqay Madaxwayanaha somaliland xulashada uu u igmaday in uu hogaamiyo ciidanka Qaranka Somaliland iyo sidoo kale Taliyihii isaga ka horeeyey oo uu ku sifeeyey in uu mudadii uu ahaa taliyaha ciidanka qaranka dhalinyaro badan oo ciidanka qaranka ku jirtay oo isagu ka mid yahay siiyey fursad aqoon korodhsi ah oo dalka dibadiisa ah isla markaasina abuuray jiil cusub oo hanan kara hogaaminta ciidanka Qaranka.
Taliye Nimcaan ayaa sheegay in ciidanka Qaranku yahay tiirka ugu mihiimsan ee jiritaanka qaranimada dalkeena lana soo gaadhay wakhtigii la sii xoojin lahaa awoodiisa , tayadiisa iyo sharaftiisa.
Waxaanu tidhi Taliye Nimcaan“Waxa sal u noqon doona hogaamintayda mudada aan xilka hayo cadaalad, latashi iyo isku wadid waayeelka iyo dhalinyarada ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland”
Taliyaha cusub ayaa intaasi ku daray in aanu wax wal wal ah ka qabin dhisida ciidan tayo leh isagoo ka faa,idaysanaya awooda, tayada iyo waayo aragnimada ciidanka qaranka somaliland waa sida hadalka u dhigaye.
Gabagabadii Sareeye Guuto Nimcaan Yuusuf Gaaxnuug hoosta ka xariiqay in uu ku shaqayn doono siyaasada Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ahna Madaxwaynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi ciro taasi oo ahayd helida ciidan qaran oo awood buuxda le hila markaana haybadaysto sugina kara amniga guud ee qaranka somaliland
Waxa munaasiba xilwareejinta labada taliye ay kula kala wareegayeen ka hadlay Taliyihii hore ee ciidanka Qaranka Sareeye Gaas Nuux Taani kana jeediyey qudbad dhinacyo badan taabanaysa oo iskugu jirtay dardaaran, dhiirigalin iyo marxaladihii uu ciidanka Qaranku soo maray muddadii uu ahaa Taliyaha ciidanka qaranka Somaliland iyo sidoo kale wax yaabihii u qabsoomay.
Sareeye Gaas nuux Taani ayaa sheegay in ay muhiimad wayn u leedahay in uu wareejintiisu isla markaana uu aad ugu niyadsan yahay isaga oo ku macneeyey in uu xilka kala wareegayo Arday uu soo saaray isagu. “Farxad wayn ayey iitahay in aan xilka ku wareejinayo Ardaygaygii, inankaygii Nimcaan”
Taliye Taani ayaa aad ugu ka waramay wakhtigii uu ciidamada ku soo jiray isla markaasina uu 2005 tii isagu waa taaniye u diray tababar koorso oo dhinaca dalka dibadiisa ah isaga iyo Labaatan askari oo ciidanka qaranka ka tirsan sidoo kale na waxa uu ku sifeeyey in taliyaha cusubi uu yahay shakhsi aqoon dheer u leh xidhiidhka ciidanka ee dhinaca Arimaha dibada isla markaasina wadama badan oo caalamka iyo Afrika ah kala shaqeeyey ciidanka ah na qof firfircoon oo sida taliye hore Taani sheegay samayn kara xidhiidho badan oo dhinaca dibada ah leh na dulqaad iyo dabeecad wanaagsan aqoon aad u saraysana leh.
Waxa kale oo uu xusay Taliyihii hore ee ciidanka Qaranka Somaliland in mudadii uu hogaaminayey ciidanka qaranka ay tababaro badan u direen dhalinyaro badan oo ka tirsan ciidanka qaranka ku was oo aqoon korodhsi ugu baxa dalalka caalamka iyo dalalka aynu jaarka nahay isla markaasina soo qaatay aqoon kala duwan oo ay ka mid yihiin Dhakhaatiir, Injineero iyo sidoo kale aqoonta ciidanka milatariga ku was oo dhamaantod kaalmaha hore ka galay goobihii ay wax ku soo baranayeen guul ay ku faani karaana u soo hooyey ciidanka Qaranka.