Xikmadaha Maanta

0
22
  • Nebi Muse (cs) isagoo Ilmo yar ah ayay badu badbaadisay oo nabad galay, Fircoon isagoo awood badan oo ciidan xoogan wata ayay badu hafisay, maaha awoodaada, xikmadu waa in Allah (sw) kula jiro”
  • “Hadii aad doonayso inaad saaxiib barato safar u raac, waxa kuu muuqan doona wax kasta oo uu qariyo, safar waxa loo yidhi waxa ku raaca akhlaaqda iyo anshaxa”
  • “Hadii dadku ku soo weeraraan adigoo xaq ku taagan , farax maxaa yeelay waxay qirayaan inaad guulaystay oo aad dadka saamaynayso, waayo Eyga bakhtiyay qofna kama baqo.
  • Haddii Biyuhu hadlayaan waxay ku odhan lahaayeen dad badan qalbigaaga igu maydha ka hor jidhkaaga”
  • “Libaaxu kumuu noqon Boqorka xayawaanka cidiisa weyn, laakiin wuxu ku noqday kalsoonida uu isku qabo. Weligii Libaaxu ma cuno hambada xayawaanada kale iyo wixii ay ugaadhsadaan, waxa keliya ee uu cunaa wixii uu isagu ugaadhsado. Laakiin isaga hambadiisa xayawaan oo dhan ayuu uga tagaa oo cuna”.