Qore: Cabdiwahaab Daahir Xasan
Hargeysa(Dawan):-Ciidanka Socdaalka iyo Illaalinta Xuduudaha Somaliland,ayaa farriin adag u diray dadka aan u dhalan Somaliland.
Waxaanu ciidanka Socdaalka iyo Illaalinta Xuduudaha Somaliland uga digay dadka ajaanibka ah ee aan Somaliland u dhalan in ay ka fogaadaan waxkasta oo lid ku ah diinta Islaamka dhaqanka suubban iyo ddastuurka iyo xeerka Somaliland.
Cid kasta oo falalka noocaas ah ku kacdana waxaay ciidanku sheegeen in aga qaadi doono tallaabo sharfiga waafaqsan isla markaana uu waayi doono sharciga uu dalka ku yimi.
Afhayeenka Ciidanka Socdaalka Iyo Ilaalinta Xuduudaha Jamhuuriyada Somaliland Gashaanle Cabdi Casiis Cabdilaahi Sheekh Cali ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Hargaysa waxa uu kaga warbixiyey eedaysane ajaanib ah oo muuqaalo aan wanaagsanayn ku duubay gudaha Somalilad.
“Ciidanka socdaalka iyo xuduuduhu waxay soo qabteen nin Ajaanib ah una dhashay wadanka Baagistaan ninkaas oo lagu magacaabo Sayid Akaash Xuseen” afhayeenka ciidanka Socdaalka”
Afhayeenku waxa kale oo uu intaa ku daray inay ku dabajiraan eedaysane kale kaasi oo lagu magacaabo Maxamed Ramsaan isla markaana sida uu afhayeenku sheegay in ay ku gafeen dhaqanka iyo anshaxa intii ay ku sugnaayeen wadanka Somaliland baraha bulashadana ay ka soo muuqdeen iyagoo hablo reer somaliland ah la duubaya muuqaal aan wanaagsanayn waa sida uu afhayeenku sheegaye.
“Ninkaas Ajaanibka ahi waxa uu haystay fiise gaaban oo bil ah, Ciidanka Socdaalka oo fulinaya amarka Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Amniga kana wakiil ah si waafaqsan Qodobka koobaad ee Xeerka socdaalka Xeer 72 waxaanu qabanay ninkaas aanu hore u sheegnay Ciidanka Socdaalkuna waxa uu laalay fiisaha gaaban ee uu haysto waxaana dalka laga saarayaa sida ugu dhakhsaha badan waxaanu ku jiri doonaa hayn xadhig ah inta dalka laga saarayo” Gaashaanle Cabdicasiis.
Dhanka kale Gaashaanle Cabdicasiis Cabdilahi Sheekh Cali ayaa digniin u diray dadka aan u dhalan dalka Somaliland in ay ka fogaadaan samaynta falal lidi ku aha Diinta, Dhaqanka, Dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka u yaal inta uu dalka joogo sidoo kale waxa uu fariin digniin ah u diray muwaadiniinta masuulka ka ah keenana dalka dadka shisheeyaha ah marka ay wadanka keenayaan in ay la socod siiyaan isla markaasina u sheegaan wax yaabaha muhiimka ee aan dalka laga ogolayn samayntiisa.
Waxa kale oo uu Afhayeenku fariin digniin ah u diray dadka shisheeyaha ah ee ku sugan dalka isla maraasina aan u dhalan wadanka Somaliland. “Maadaama Sanad cusub lagalay dhamaan wadanka Ajaanibka jooga ee daganaanshiyaha ay ku joogeen ka dhacay waxan faraynaa in sida ugu dhakhsaha badan ay u yimaadaan Taliska Ciidanka Socdaalka iyo ilaalada xuduudaha Jamhuuriyadda Somaliland iyagoo cusboonaysiisanaya daganaanshahooda” Afhayeenka Ciidanka Socdaalka ayaa sidaas yidhi.
Gabagabadii waxa kale oo uu afhayeenku fariin u diray dadka muwaadiniinta dalka keedanaya dalka dadka Ajaanibka waxana uu faray in ay dadkaa si dhaw ula socdaaan anshaxa iyo habdhaqankooda isla markaana ay dalka ay keenaan dad ay soo hubsadeen xaaladahooda.