Niyadda Fiican, Farxadda Joogtee!

0
19

Nin xikmad ayaa saaxiibadii uga sheekeeyay qiso xiiso leh, markii uu dhameeyaya ayay dhamaantood wada qosleen. Haddana isla sheekadii ayuu mar kale ku celiyay , markii uu dhameeyay tiro badhkeed ah ayaa qososhahay. Haddana mar kale ayuu bilaabay sheekaddii oo uu dhameeyay qof qudhina muu qoslin.

Markii ay qosli waayeen ayuu ku yidhi :” Maxaad qosolkii u joojiseen iyadoo isla sheekadii ah?”  Markaasi ayay yidhaahdeen “ waa qiso isku mid ah “. Ninkii xakiimka ahaa ayaa ku yidhi “ hadaa maxaad arrin isku mid ah murugadeeda u joogtaysaan, iyadoo arrin isku mid ah aydaan farxadiisa joogtayn karayn?  Farxadda joogtee, murugada yaree.