Hargaysa (Dawan) ALLAHA u naxaiistii Marxuum Haweeya Iidaan Ibraahim oo gaadhi ku jiiday jidka 200 ee Hargaysa ayaa eedaysanihii gaadhiga jiidhsiiyay oo ka baxsaday, intaasi ka dib Ehelada marxuumad Haweeya ayaa naadiyay eedaysanaha gaadhig jiidhsiiyay marxuumada waxaanay bulshada la wadaageen in lala raadiyo.
Intaasi kadib ciidamada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland garahaan hogaanka Nabadgelyada waddooyinka ayaa hawlgal ay sameeyeen gacanta kusoo dhigay Eedaysane Mubaarik Cabdiraxmaan Maxamed oo xalay (habeen hore) ku jiidhay waddada Labada Boqol Marxuumad Haweya Iidaan Ibraahin kadibna ka baxsaday goobta.
Waxaana Ciidamadu gacanta ku hayaan eedaysanihii iyo gaadhigii uu watay oo noociisu ahaa” Vitz” , waxaana eedaysanaha degdeg loo horgayn doonaa Ha’yaddaha garsoorka, si ay waajibkooda uga gutaan.
Ciidanka nabadgelyadda wadooyinka ayaa bulshada uga digay inay ku kacaan falalka naxariis darada ah, waxaanay ugu baaqeen inay ka fiirsadaan wadooyinka iyo dadka ka gudbaya.